Australia oo diiday afti taariikhi ah oo xuquuq lagu siinayo dadka Asaliga ah

0
105

Australia ayaa si weyn u diiday qorshe xuquuq weyn lagu siinayo dadka asaliga ah ee dalkaa.

Dhammaan lixda gobol waxay u codeeyeen maya hindise lagu beddelayey dastuurka si loo aqoonsado muwaadiniinta asaliga ah loona abuuro hay’ad la-taliye u ah dowladda.

Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in guuldaradu ay ahayd mid adag: “Markaad higsanayso meel sare, mararka qaarkood waxaad ku dhacdaa meel dhow, waan fahansanahay waana ixtiraamaynaa sida wax noqdeen.”

Hogaamiyaha mucaaradka Peter Dutton ayaa isagu soo dhoweeyey, waxaana uu sheegay in natiijadu ay tahay mid u wanaagsan wadankeena.

Aftidan, oo loogu magac daray “Codka”, ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Australia ay qabato in ka badan rubuc qarni. Iyada oo ku dhawaad ​​70% codadka la tiriyay, ay kala noqdeen, Maya oo boqolkiiba 60% haa oo boqolkiiba 40%.

Diidmadeedu waxay daba socotay olole qallafsan oo inta badan si xun laysugu khilaafsanaa.

Muwaadiniinta asaliga ah ee Australiya – ayaa dadka dalkaas oo ah 26 Milyan ka ah 3.8% waxaanay deganaayeen dhulka ilaa 60,000 sano laakiin laguma xusin dastuurka. Waxay yihiin, inta badan tallaabooyinka dhaqan-dhaqaale, dadka ugu liita dalka.

Aftida ayaa ahayd markii 45-aad ee Australiya ay isku daydo in ay bedesho dukumeentigeeda aasaaska – laakiin sideed soo jeedin oo keliya ayaa la aqbalay. Waxa kale oo ay ahayd markii labaad ee qaddiyada aqoonsiga dadka asaliga ah loo qaado cod qaran – isku daygii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 1999.

Dadka Australiyaanka ah, ee Asaliga ee loo yaqaano Aborijiniska iyo Torres Strait Islander oo taageero xoogan u muujiyay codbixintii hore, ayaa aad uga

Leave a Reply