Maroodi ka baxsaday Xero oo dad ku cuneen DR Congo

0
133

Maroodi ka soo baxsaday Beerta Qaranka ee Virunga ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Congo ayaa waxaa Qashay ka dibna cunay dadka deggan tuulo ku dhow. Sidaana waxa sheegay kooxda Ilaalada deegaanka ee DR Congo.

Tuuladan oo lagu magacaabo Katwiguru ayaa Gowracday Maroodiga ka dibna waxay qaybsadeen Hilibkii iyaga oo aad ugu  farxay.

“Waxay la mid ahayd manna ama Hilib samada nooga soo dhacay,”ayey ka soo xigteen  kooxda ilaalada deegaanka ee CCC, (Conservationist Conservation Congo) . Kooxdan aan faa’iido doonka ahayn, waxay intaa ku dareen in aanay kala caddeyn in kuwa qashay ahaayeen fallaagada ka dagaalanta Bariga Congo iyo dadka tuulada.

Taar danabaysan ayaa ku wareegsanaa beerta laakiin dhowr toddobaad ka hor ayaa qaybo ka mid ah Taarka waxa waxyeeleeyey “dhallinyaro” taas ayaa u ogolaatay in labada maroodi baxsadaan Isniintii, sida ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay ICCN.

Maroodigii labaad.halka uu ku maqan yahay iyo xaalkiisa lama oga.

Virunga waa beer caan ah oo ku taal badhtamaha aagga iska horimaadka waxaana ka hawlgala maleeshiyaadka meelaha  ku dhow xadka Rwanda iyo Uganda.

Dedaallada kooxaha ilaalinta ayaa Maroodiyada u abuuray aag ammaan ah, waana seere ku fidsan 7,800 km² (3,000 mayl laba jibaaran.

Sida laga soo xigtay website-ka beerta, Maroodiyo badan ayaa dib ugu soo noqonayey aaga, waxaana hadda ku nool Maroodiyo gaadhaya 700. Inkasta oo ay DR Congo leedahay Macdan Ballaadhan, hadna dadkeedu waa Sabool, waxa lagu qiyaasaa dadkeeda 100 million, saddex qaybood, laba qaybood ayaa ku nool laba Dollar waxa ka yar maantii.

 

 

Leave a Reply