Ganacsatada Waxaan Ku Boorrinayaa In Ay Joojiyaan Dhagaxa ay Dhaqaalaha Badan Galinayaan” Wasiirka W. Beeraha JSL

0
112

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ganacsatada reer Somaliland ugu baaqay inay maalgashadaan wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, si looga kaaftoomo cuntooyinka dibeda inaaga imanaya.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa sheegay in isku filnaansho xaga cuntada ah la gaadhayo haddii ay ganacsatada dalku ay ka qayb qaataan maalgalinta wax-soo-saarka beeraha taasi oo wax wayn ka badeli doonta sida uu sheegay wasiirku xaga helida cunto nadiif ah iyo in isku filnaansho laga gaadho dhinaca beeraha iyo xoolahaba.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ‘Waxaan odhanayaa waxa aynu u baahan nahay maalgalin gudaha ah iyo maalgalin dibeda ah In aynu dhiirigalino ganacsatadeenii gudaha, mar kastana waan sheegaan oo waan ku celceliyaa, ganacsatadu waa inay ka qayb qaadataa kor u qaadida ama sugida cuntada si ay Somaliland uga kaaftoonto inay cuno hesho nafiid ah oo dabiici ah oo ku baxay wakhti yar oo kooban, aad ogtahayna halka uu ka soo baxay iyo sida loo waraabiyay iyo cida soo-saartayba.”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Qolada ganacsatada ah waxaan arkayaa fooqyo dhaadheer oo la dhisayo, oo ay ku baxayaan 10 Milyan ama 5 Milyan marka lagu daro alaabaha la dhigayo dhismaha gudihiisa, bal ka warama 10 Milyan oo ganacsatadaasi ay galiyaan dhulka oo uu aamino, marka koowaad waxa uu samaynayaa shaqo abuur oo aqoonyahankan inoo soo baxay ee hoganaya ee magaalada dhexdeeda ama wasaaradaha dhexdooda jooga ayaa shaqo helaya, waxa shaqo helaya beeralaydii, dhulkii buu beerayaa, xataa cibaadadiisii ayay u wanaagsan tahay tii aakhiro iyo tii ifkaba, marka uu dad gaajoonayo quudiyo oo uu wax u soo saaro.”

Wasiirku waxa kale oo uu ganacsatada ku boorriyay in ay maal-gashadaan wax soo saarka dalka, isla markaan aay joojiyaan fooqyada dhaadheer ee ay maalin walba dhisayaan waxaanu yidhi “Ganacsatada waxaan ku boorin lahaa oo maanta meelaynayaa ganacsatadu ha joojiyaan dhagaxa ay galinayaan dhaqaalaha faraha badan, taa badelkeeda ha galiyaan dhulka anaguna waxaanu balan qaadaynaa in aanu siyaasadii hagi lahayn iyo ilaalintii iyo nabadgelyadii iyo suuqiiba u raadino’’.

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ganacsatada dalka ku booriyay inay ka qayb qaataan wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha nool, mar uu ka qayb qaadanayay madasha dhaqaalaha ee heer Qarano o Hargaysa lagu qabtay, maalintiisii labaad.

Leave a Reply