Xoghayaha Saaxil oo la Kulmay Madaxda Jaamacadda Golis Berbera

0
114

Berber (Dawan) Xoghayaha Gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan ayaa soo jeediyay in talo qaran laga yeesho luuqadaha ay bulshadeenu wax ku bartaan oo uu shegay inay caqabad ku yihiin ardayda wax baranaysa.

Sidoo kale waxa uu Xoghayaha gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan u soo jeediyay dhammaan bahda waxbarashada in awooda la sooro sidii loo midayn lahaa luuqadaha ay dadkeenu wax ku baranayaan, si looga baxo dhibaatada ardayda ka haysata inay wax ku bartaan luuqad aanay fahmi karayn.

Xog-hayaha gobolka Saaxil ayaa tilmaamay in meelaha ugu badan ee ay ka jirto dhibaatada luuqadaha qalaad ee wax lagu baranayaa ay yihiin marka ay ardaydu u wareegayaan dugsiga sare iyo marka ay ardaydu u wareegayaan Jaamacadaha, taasi oo uu sheegay in ay ardayda dhibaato ku noqoto la qabsiga luuqada qalaad iyo in ay fahamka ardayga hoos u dhigto.

Sidoo kale xog-hayaha gobolka Saaxil ayaa sheegay in magaaladda Berbera iyo gobolkaba aaad looga baahan yahay in la helo dugsiyo awooda saaraya xaga barashada luuqadaha qalaad ee English-ka iyo Carabiga.

Xog-hayaha oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu ydhi

‘’cidda waxbarashada gacanta ku haysa, macalimiinta Iskuulada, masuuliyiinta Jaamacaddaha, waalidiinta ubadka wax baranaya iyo dhalinyarada wax baranaysa intaba, waxa aan rabaa in aan hal talo uga faa’iidaysto oo aan u soo jeediyo.

Runtii dalka waxa ka jirta gabi ahaan ba caqabad xaga luuqada ah, markaa ama waxbarashadeenii wasaarad waxbarasho haday tahay iyo haday tahay gudoonka waxbarashada sare iyo qarankuba talo guud ha ka yeedho oo ama af-keena ha ku baxaan waxyaabaha la baranayaa haddii kale oo uu af qalaad yahay waa in af-kii qalaad caruurtii la baro oo lagu dedaalo.

Runtii ardaydu marka ay jaamacadaha gasho waxa aad dareemaysaa in ay caqabadi jirto, in ay jiro dhinaasho xaga luuqada ah, sidaasi daraadeed waxa aan odhan lahaa casharo gaagaaban ha loo bilaabo, casharo dheerad ah hala siiyo ardayda dugsiyada sare ka soo baxaysa ama ardayda dugsiyada hoose dhexe ka baxaysa ee galaya dugsiyada sare ha la siiyo casharo gaagaaban oo ka dhisaya dhinaca luuqada Ingiriisiga ah.’’

Leave a Reply