Dhallinyaro Taageero u Muujiyay Muslimiinta Reer Falastiin

0
135

Bahda Dawan

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida dhallinyarada magaalada Hargeysa ayaa taageero u muujiyay shacab waynaha Falastiin ee duqaynta ba’an ay ku hayaan ciidamada Israa’iil, kaasi oo ay burbur xoogan u gaysteen magaaladda Qaza iyo deegaanada ku xeeran.

Dhalinyaradan oo warbaahinta ka soo muuqday iyaga oo aad uga murugaysan dhibaatada ku dhacday walaalaha dhibku dariska la ahaa mudada badan ee Falastiin, ayaa cambaareeyay duqaymaha aan kala go’a lahayn ee dawlada Isaraa’iil ay ka gaysanayso dhulka barakaysan ee reer Falastiin.

Dhalinyaradan ayaa aad uga cadhooday falkii argagaxa lahaa ee ciidamada Israa’iil ay ku duqeeyeen cisbitaalka Al-Ahli ee magaaladda Qaza kaasi oo ay ku baaba’een dad bukaa ah oo goobtaasi ku suganaa, kuwaasi oo u badnaa caruur iyo haween.

Da’a yartan oo ku labisan ‘Garamaan ay ku qoran yihiin Guusha Falastiin waa Islaamka’, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay difaacaan dhulka barakaysan ee Qaza iyo shacabka dulman ee Falastiin haddii ay helayaan meel ay u maraan, si ay uga qayb qaateen, waxaanay sheegeen in aanay hadda ku sugnaadeen Hargaysa haddii ay jirto ama helayaan in ay ka xaadiraan dagaalkaasi isla markaasina ay ka qayb qaadan lahaayeen difaaca maasijka barakaysan ee Al-Aqsa iyo dhulka shucuubta Falastiin.

Dareenkii dhallinyarada caasimada Hargeysa ee la xidhiidhay tageeradooda Falastiin waxa ka mid ahaa.“Duqaynta loo gaystay cisbitaalka ay ku jireen caruurta iyo haweenku aad iyo aad ayaan uga xumahay, wax loo dulqaadan karana maaha, inteena tagi karta ha tagto inteenaan tagi karina duco ayay inooga baahan tahay, jidka lamaraya wuu inoo fudud yahay, haddii ay qalbigeena iyo niyadeena ka soo go’do si fudud ayaynu u tagi karnaa.

Anigu waxaan imika sugayaa uun in aan Mushaharka iyo Hagbada qaato, waan anbabaxaya waan tagayaa, inteena kalena aan diyaar garowno.

Waanu ku faraxsanahay guusha Falastiin, markastana guulaysta ayaanu leenahay, saaka haddii aan garanayo meesha loo marayo Falastiin waan tagilahaa, qalbiga iyo niyada ayaanu uga hiilinaynaa nimaanka Muslimiinta ah ee la laynayo, bulshada reer Somaliland qaybahooda kala duwan waxaan leeyahay waar hala taageero dadka walaalaheena ee la laynayo.”

“Guulow ILLAAHOW, gacma weynihiiyow, galad badanihiiyow, adiga gargaarle Muslimiinta guule, Galadana iyaga jabi, gaar ahaan Yuhuudana gidigoodba baa’bi’i, ma ogtahay gantaalaha gaar ahaan Yuhuudiyo lala dhacay Gantaalaha geesiyaal inaad tiin, gidigii Islaamkuba guud ahaan waa ku diirsaday,”Ayuu wiil ka mida dhallinyarada magaalada Hargeysa ku cabiray dareenkiisa Falastiin.

Leave a Reply