Ii Keena Qalfoofka Qof Dhintay si Aad Taajir u Noqotaan”

0
173

Shan nin oo Nigeria u dhashay ayaa lagu xukumay min 12 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inay soo faageen qalfoofta madaxa meydad bani’aadam.

Waxay doonayeen inay u geeyaan dhaqtar daawooyinka dabiiciga ah oo iyaga u diray, isagoo u sheegay inay taajir ku noqon doonaan.

Raggan ayaa qirtay dembiga kaddib markii lagu qabtay iyadoo jawaan ku sida qalfoofta.

Dacwad-oogaha ayaa maxkamadda u sheegay in raggan ay soo faageen meyd la aasay saddex sano kahor, kaasoo ku aasnaa qabuuraha Muslimiinta ee gobolka Niger oo ku yaalla bartamaha waqooyi ee dalkaas.

“Waxay sheegeen in dhaqtarka uu u sheegay una ballan qaadau in dhammaantood ay taajir ku noqon doonaan falka ay sameynayeen wuxuuna u diray inay soo helaan qalfoof bani’aadam,” ayuu dacwad-oogaha oo u warramay wargeyska maxalliga ah ee Daily Punch.

Saraakiisha ammaanka ayaa soo xiray raggan da’da yar, oo 18 jir iyo 28 jir ahaa, horraantii September iyagoo qalfoofta u waday qof kale, sida uu ku amray dhaqtarka.

Maxkamad ku taalla Minna, caasimadda gobolka Niger, ayaa sheegtay in raggan ay dembi galeen maaddaama ay soo faageen meydad.

Dhaqtarkan dawooyinka dabiiciga ah ayaan isagu la xirin oo wax dembi ah lagu soo oogin.

Aaminaadda “sixirka” ayaa aad ugu badan dalka Nigeria, iyadoo qaar badan ay ku daraan diimaha Kirishtaanka iyo Islaamka, sida laga soo xigtay warbixin ay sanadkii 2010 sameysay Xarunta Baaritaanka ee Pew.

Aaminaadahan qaarkood, gaar ahaan in qeybaha jirka ka mid ah ay lacag kasoo saari karaan dheri dhexdiisa, ayaa dhowaan sababtay in dilal badan ay ka dhacaan dalka Nigeria, iyadoo inta badan la bartilmaameedsanayay dadka nugul, sida carruurta, haweenka carmalka ah iyo dadka naafada ah.

Dowladda Nigeria ayaa sidoo kale sheegtay in qeybaha jirka bani’aadamka loo adeegsado siyaabo la rumeysan yahay in lagu helayo hanti.

Hababka lagu sameeyo lacagta ee dalka Nigeria ayaa waxaa dhiirrigeliaya xaaladaha ba’an ee dhaqaale xumada iyadoo 10-kii qofba afar ka mid ah ay sabool yihiin, sida laga soo xigtay Bankiga Dhexe.

Dilka bani’aadamka iyo in jirkooda loo isticmaalo sixir ayaa Nigeria kasoo billowday sanadihii 90-meeyadii wuxuuna horseeday inay rabshado ka dhacaan magaalada Owerri kaddib markii la afduubtay lana dilay wiil 11 jir ahaa sanadkii 1996.

Haatan, maalin ma jirto aanan baraha bulshada dalkaas looga hadlin wararka la xiriira qof maqan iyo meyd la jarjaray oo lala xiriiriyay in lagu sameyn rabay waxyaabaha sixirka laga sameeyo.

 

Leave a Reply