Cadho wadamo Afrikaan ah oo ka dhalatay qaraxii lagu hoobtay ee cisbitaalka Gaza

0
153

Qarixii cisbitaalka Gaza oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo ay ku jiraan carruur badan, ayaa cadho ka abuuray dalal badan oo Afrikaan ah.

Magaalada Tuniisiya dibad baxayaasha taageersan Falastiin ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee safaaradda Faransiiska ee magaalada caasimadda ah ee Tunis, waxayna ku cambaareeyeen dalalka reer galbeedka taageerada ay siiyaan Israa’iil oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeysay weerarka.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in isbitaalka uu ku dhacay gantaal ay falastiiniyiintu soo rideen oo fashilmay. Balse mas’uuliyiinta Falastiin ayaa ku eedeeyay weerarka cirka ee Israa’iil.

Subaxnimadii Arbacada, madaxa guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Israa’iil ku eedeeyay “dambi dagaal”, isaga oo soo dhigay baraha bulshada.“Ma hayno erayo aan si buuxda ugu muujineyno cambaareyntayada duqeynta Israa’iil ay ka geysatay isbitaalka Qaza maanta (Salaasadii) oo ay ku dhinteen boqolaal qof.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa iyaduna hadal la mid ah soo saartay.

Koonfur Afrika waxay tidhi “ma jiraan erayo aanu si buuxda ugu muujin karo dhaleeceynta Koonfur Afrika ee ku aaddan duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday isbitaalka Ahli Arab Baptist hospital17-kii Oktoobar, oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 1,000,” ayaa lagu yidhi. .

“Bartilmaameedka cisbitaalka loo arko meel ammaan ah marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada waa dambi dagaal.”

Milateriga Israa’iil ayaa ku sheegay in qaraxu ka dhashay gantaallo ay si khaldan u rideen kooxda Jihaadul Islaami ah oo falastiiniyiin waxaanay sheegeen in ay hayaan cadeymo muujinaya in aanay ciidamadoodu ka dambeyn qaraxa.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in ku dhawaad ​​500 oo qof ay ku dhinteen qaraxa, balse lama shaacin tirada rasmiga ah ee dhimashada.

 

 

Leave a Reply