Doorashada afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka oo isu bedeshay in laysu hanjabo

0
95

 

Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee aan u codayn murashaxa Jim Jordan ayaa sheegay in lala beegsaday xeelado cabsi gelin ah oo ay ka mid tahay hanjabaado dil ah oo uga imaanaya xulafada Jim Jordan, iyada oo ay sii yaraanayso ololihiisa doorashada afhayeenka aqalka hoose ee Maraykanka.

Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa saxafiyiinta u sheegay inay la kulmeen olole cadaadis ah oo kaga imaanayay taageerayaasha Mr.Jordon oo cod bixinta doorashada ku guuldaraystay markii labaad Arbacadii.

Mr Jordan, oo ah garabka midig ee Jamhuuriga kana soo jeeda Ohio, ayaa iska fogeeyay dhibaataynta. Kacdoon adag oo muxaafid ah ayaa xilka ka tuuray Afhayeenkii hore 3-dii Oktoobar, welina lama dooran afhayeen.

Marianne Miller-Meeks, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Iowa, ayaa qoraal ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in ay “la kulantay hanjabaado dil oo la rumeysan karo iyo baaqyo hanjabaad ah” ka dib markii ay codkeeda ka leexisay Mr Jordan.

“Hal shay oo aanan caloosha ku hayn karin, ama aan taageeri karin waa cagajugleyn,” ayay qortay.

Don Bacon, oo ka tirsan Jamhuuriga Nebraska kana mid ah kuwa sida adag uga soo horjeeda Mr.Jordon, ayaa haweenaydiisa loo hanjabay, waxa lagu yidhi “Ninkaagu mar dambe ma qaban doono xafiis siyaasadeed,” waa mid ka mid ah farriimaha qarsoodiga ah ee loo soo diray. “Waa maxay niyad-jab iyo guul-darro ay tahay fariintaasi.” Ayaa la yidhi.

Mr Jordan ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa ololaha cadaadiska.

“Ma jiro qof Maraykan ah oo aan cid kale ku cadowsan waxa uu aaminsan yahay,” ayuu ku soo qoray X, oo hore loogu yiqiin Twitter, fiidnimadii Arbacada. “Waanu cambaaraynaynaa dhammaan hanjabaadaha loo jeedinayo asxaabtayada, waana lama huraan inaan isu nimaadno. “Jooji waa wax laga naxo.” Ayuu sii raaciyey.

In ka badan tiro yar oo ka mid ah Jamhuuriga ka soo horjeeda Jordan, oo ay ku jiraan Jen Kiggans oo Virginia ah, Kay Granger oo Texas ah iyo  John Rutherford Florida  ah, ayaa ka cawday xeeladaha aan habboonayn ee hoggaamiyeyaasha muxaafidka ah ee maxalliga ah iyo kuwa garabka midig ee taageeraya Mr Jordan.

“Caga-juglayn iyo hanjabaad ma beddeli doonaan mowqifkayga,” ayay Ms Kiggans ku qortay X.

In kasta oo aanu midkoodna soo jeedin in Mr Jordan laftiisu uu si toos ah ugu lug lahaa hanjacaadaha haddana qaar ayaa eedayn dusha uga tuuray xeeladaha uu cagihiisa ku wato.

Carlos Gimenez, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Florida, ayaa u sheegay NBC News inuu si toos ah arrinta ula soo qaaday Mr Jordan, isaga oo yidhi: “Runtii si fiican uma qaadanayo hanjabaadaha.”

“Waxa uu ii sheegay in aanu ka dambayn, dadkana waxa uu ka codsaday in ay joojiyaan, laakiin haddii aad dadka ka codsatay in ay joojiyaan maxay u dhegaysan waayeen? ayaa Mr Gimenez raaciyey.

Arkansas Steve Womack oo ka tirsan kooxda Xisbiga Jamhuuriga isna ayaa dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay weerarada iyo xeeladaha xulafada Jordan ee ka dhanka ah sharci-dajiyayaasha ka soo horjeeday ololihiisa afhayeenka.

Iyo xitaa qaar ka mid ah xulafada Mr Jordan, oo uu ku jiro Byron Donalds oo Florida ah, ayaa qiray in habka xoogga leh inuu dhabar jab u keeno Jordon. “Waxaan u maleynayaa inay waxyeello u geysan doono Jim,” ayuu Mr Donalds u sheegay suxufiyiinta.

Isqabqabsigan ayaa yimid ka dib markii Mr Jordan uu ku guul daraystay markii labaad inuu taageero ku filan ka helo xisbigiisa si uu u hanto xilka afhayeenka baarlamaanka.

Arbacadii, Jamhuurigu oo u baahnaa 217 cod ayaa dib u dhacay, ka dib markii 22 ka mid ah Jamhuuriga ay ka codeeyeen –taas oo laba cod ka badan codadka Salaasadii.

Mr Jordan ayaa la filayaa inuu tago duubistii saddexaad.

 

Ma muuqdo dhamaadka dagaalka hogaaminta oo socday in ka badan laba toddobaad

Afhayeen la’aanta, Aqalka uu aqlabiyad yar ku maamulo Jamhuurigu ayaan awoodin meel marinta biilasha ama codsiyada Aqalka Cad ee gargaarka degdegga ah. Sida caawinta suurtagalka ah ee Israel inta uu socdo dagaalka ay kula jirto Xamaas.

Dimuqraadiyiinta, xisbiga laga tirada badan yahay ee aqalkaas, ayaa si wada jir ah mar walba ugu codeynayay hogaamiyahooda, Hakeem Jeffries ee New York.

 

Leave a Reply