Ciidamada Booliska, Socdaalka iyo Asluubta oo loo Qabtay Tababar ku Saabsan illaalinta Xuquuqda Socotada

0
63

Boorama(Dawan) Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa tababar u qabtay laamaha ciidamada kala duwan ee ciidamada Booliska, Asluubta iyo Socdalka ee ku sugan magaalooyinka Borama iyo Wajaale.

Tababarkaas ayaa ahaa mid Komishanka Xaquuqul Insaanka Somaliland uu kor ugu qaadayay ilaalinta xaquuqda dadka socotada ah ee inta badan ay ciidamadu kula kulmaan xuduudaha dalka iyo magaalooyinkaba, sidoo kale waxa uu daaranaa kobcinta aqoonta ciidamada ee xaquuqda dadka socotada ay iyo sidii ay u ilaalin lahaayeen xaquuqda dadkaasi socotada ah.

Tababarkan oo uu furay Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan,   ayaa ahaa mid lagu barayay ciidamada kala duwan qaabka ay ula dhaqmayaan dadka socotada ah   ee sugan dalka ama sii dhax maraya.

Sido kale waxa tababarkan xooga lagu saaraya sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka socotada ah, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee laamaha kala duwan ee dowladdu uga qayb qaadan lahayeen doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah.

Komishanka Xaquuqul Insaanka Somaliland ayaa ah mid inta badan ku hawlan kor-u-qaadista, dhawrista iyo ku wacyigalinta arrimaha la xidhiidha xaquuqda Aadamaha ee laamaha dawlada iyo shacabkaba si loo helo bulsho ka war-qabta ama ku baraarugsan ilaalinta xaquuqda bani’aadamka iyo noolaha kaleba.

Ma ahan tababarkii u horeeyay ee Komishanka Xaquuqul Insaanka Soamliland uu u qabto ciidanka Somaliland kaasi oo lagaga hadlayo arrimaha xaquuqul Insaanka balse waxa ay Komishanku si xidhiidh ah u qabtaan tababarada noocan ah ee looga hadlayo ilaalinta xaquuqul Insaanka iyo sidii looga war-qabi lahaa.

 

Leave a Reply