Agaasimaha Guud ee Deegaanka oo Uganda kaga Qayb Gelay Shir ku Saabsan Isbedelka Cimiladda

0
113

 

Kampala (Dawan): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa dalka Uganda kaga qayb galay shir ku saabsan arrimaha deegaanka.

Shirkaas oo  ka qabsoomay magaaladda Kampala, ee caasimadda dalka Uganda, waxaa ka soo qayb galay in ka badan 30 Waddan oo ka tirsan Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Shirkaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu soo marti qaaday, kaasoo magaciisa la yidhaahdo ‘Kampala Geopolitics Conference’ ayaa lagaga hadlayay saamaynta waxa loo yaqaano“ Indo-Pacific Theater” uu ku leeyahay Waddamada Geeska Africa, gaar ahaan arrimaha deegaanka, siyaasadda iyo amniga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL oo shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaato arrimaha Indo-Pacific.

Waxaanu ku dheeraaday istaraatiijiyadda juquraafi dhuleed ee Somaliland iyo sida aan looga maar mayn doorka muhiimka ah ee ay Somaliland ka ciyaari karto arrimaha Indo-Pacific-ga.

Maxamed C/laahi Ducaale, waxa uu si gaar ah uga sheekeeyey in Somaliland xil iska saartay  ilaalinta iyo daryeelidda khayraadkeeda dabiiciga ah, deegaanka, iyp duur joogta.

 

 

 

 

Leave a Reply