Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ka Arrinsanaya Xumadda Kulul ee Dalka Ka Dilaacday Markii labaad

0
90

Qormadeena kowaaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu todobaadkan ku soo qaadanaynaa, masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo qaatay kulan ay kaga tashanayaan sidii looga hor tagi lahaa ama wax looga qaban lahaa xumad kulul ee Dengue Fever oo markii labaad ka dilaacday dalka.

Kulanka lagaga tashanayo wax ka qabashada xumada kulul ayaa waxa gudoomiyaha wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland mudan Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, waxaan kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo xoojin lahaa la tacaalida xumada kulul ee markii labaad ka dilaacday dalka iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa.

Wasiirka Wasaarrada Horumarinta Caafimaadka s/land mudane xasan maxamed cali gaafaadhi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shir lagaga arrinsanayay qaabka loo waajahayo xumadda dengue Fever oo dalka mar labaad ka dilaacday.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cusbitalada, Isuduwaha Wasadara Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeeh, Agaasimaha Cusbitaalka Guud iyo madaxda Cusbitaalada Gaarka loo leeyahay ee aan dawliga ahayn.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa shirkan la iskula qaatay in la adkeeyo wadashaqaynta isla markaana la joogteeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wasarada iyo cusbitalada aan dawliga ahayn sidoo kale waxan laysla meel dhigay sidii looga horti lahaa xumada cusub ee hada wadanka ka jirta ee kududiyaha (Dengue fever), waxan kulankani ku soo gabo-gaboobay is afgarad iyo sidii adeega caafimaadka dalka meel looga soo wada jeedi lahaa guud ahaan dawlada iyo xarumaha gaarka loo leeyahayba.

 

 

Leave a Reply