Khataraha Caafimaad ee ka Dhalan kara Fadhiga Saacadaha Badan

0
122

Qormadeena labaad ee barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa khataraha caafimaad ee ka dhalan kara saacadaha badan ee uu qofku meel iska fadhiyo.

Socodka ama jimicsigu waxa uu nashaad galiyaa nafta iyo jidhka bani’aadamka, waxaanu qofku ka helaa fir-fircooni, balse taasi badelkeeda haddii uu qofku socon waayo ama caadaysto fadhig badan waxa ku imaan kara xanuuno nafsi ah, khubarada caafimaad qaar ayaa tilmaamay in qofka fadhiga badsada uu la kulmi karo dhimasho degg degg ah.

 

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digeen khatar caafimaad oo ka dhalan karta fadhiga saacadaha badan ah, kaas oo khatartaha uu keeni karo ay ka mid tahay asaasaqa (Dementia) oo ah maskaxda oo weyda ama hoos u dhacdo awooddeeda xasuuseed, fikir iyo hawlgudasho ee maalinlaha ahi.

Cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah ayaa muujisay, in qofka oo muddo dheer fadhiya isaga oo aan qaban hawl badan ama xarakaad badani ay keeni karto dhimasho degdeg ah.

Daraasaddan oo uu natiijadeeda faafiyey wargeyska ‘The Sun’ ee Ingiriisku waxa ay sheegtay qofka oo 10 saac fadhiya maalintii, in ay boqolkiiba 8 kor u kacdo khatarta ah in uu ku dhaco cudurka xusuusta dila ee asaasaqa (Dimentia).

Dhinaca kalana ururka xeeldheereyaasha caafimaadka Wadnaha ee Ingiriiska sheegay, dadka da’da shaqada ku jiraa, in ay celcelis ahaan maalintii fadhiyaan 9 iyo badh saac.

Daraasad kale oo uu hore u faafiyey Wargeyska MIND Journal; ayaa lagu sheegay in fadhiga saacadaha badan ahi uu keeno khataro caafimaad darro oo ay ka mid yihiin; Wadne xanuun, dhabar iyo raqabad xanuun, macaanka, xaaladda ah in dhiig ku guntamo xididdada hoose gaar ahaan lugaha (DVT), iyo wareegga dhexda (Caloosha iyo dhinacyada) oo xaydh dheeraad ahi ku ururto, sida oo kalana waxa ay kor u qaaddaa khatarta ah noocyo ka mid ah kansarka.

 

Leave a Reply