Xuduudaha Somaliland Maleeshiyo Reer ka Tirsani ma Bedeli karto Fiqi-na ma Bedeli karo’ Arrintanina waxay soo Dedejinaysaa.” Guddoomiyaha UCID

0
149

 

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa wax la la yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay in ay SSC u aqoonsadeen maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in hadalka dawladda federaalka Soomaaliya aanu wax macno ah, iyo saamayn ah ku yeelanaynin jiritaanka, dawladnimadda, iyo mustaqbalka Somaliland.

Hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa jawaab u noqonaya war ay Khamiistii dorraad soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ay ku sheegtay in ay kooxda Somaliland diidka ah ee ka dagaalamaysa Laascaanood  in ay u aqoonsatay maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in  xuduudka Somaliland aanay waxba ka bedeli karin maleeshiyo reer ka tirsani.

Eng. Faysal, oo ka jawaabayay hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in talllaabada ay ku kacday dawladda Muqdisho, in ay soo dedejinayso in Somaliland ay xuduudkeedda si buuxda u sugto.

Waxaanu yidhi “Waxaa wax lala yaabo noqotay waxa uu shalay (dorraad) ku hadlay ninka la yidhaahdo Fiqi, ee wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, oo ah dawlad fashilantay.

Waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland arrinta uu ninkaasi ka hadlay ha ka wel-welina. Wax allaale  wax macno ah, iyo saamayn ay ku yeelanayso jiritaankeenna, iyo dawladnimadeena, iyo mustaqbalkeena ma jirto. Waa Dameer iska ciyay.

Waxaanu u aragnaa Fiqi, inuu yahay nin la kiraystay oo lacag qaatay. Maanta Soomaaliya idinka ayaa u liita Fiqiyoow. Haddii aad dawladnimadiinii qaybiseen, oo aad qabaa’il ka dhigteen, taayadda qaybin maysaan.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi “Xuduudka Somaliland maleeshiyo reer ka tirsani ma bedeli karto, Fiqi-na ma bedeli karro. Fiqiyoow adigaan tegi karin Gaalkacayo woqopyigeedda, ee maxaad Laascaanood tari kartaa?

 

Arrintani waxay soo dedejinaysaa in ay Somaliland xuduudaheedda tagto. Wax allaale iyo wax uu Fiqi, maanta u tari karro Laasaacnood oo aan ahayn cadaawad ma jirto”.

Geesta kale Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland, iyo shacabka ba in la isugu yimaado shir lagaga wada tashanayo tallaabadan ay Soomaaliya ku kacday.

“Waxaan leenahay shacabka reer Somaliland oo ay ku jiraan reer Sool, suurto gal maaha in magaaladda Laascaanood laga gooyo Somaliland. Suurto gal maaha in Laascaanood Xamar, laga xukumo, oo aanay Hargaysa wax la yeelan.

Waanu tegaynaa xuduudkayaga. Waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba waa in shir deg deg ah la isugu yimaado. Waana in arrintaa si deg deg ah aynu u soo af-jarnaa. Waa na in ay gor-gortanka, iyo faro gelinta shisheeyaha ka baxdo Laascaanood, oo ay gacanta Somaliland ku soo noqoto”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID wuxuu ka sheekeeyay sidii ay ku timid midnimadii ay Somaliland sanadkii 1960-kii la yeelatay Soomaaliya, iyo dariiqii dheeraa ee loo soo maray dib ula soo noqoshadda madax banaanidda Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dawladda Muqdisho ku tilmaamay mid fashilantay oo u kala qaybsantay maamul goboleedyo maqaar-saar ah, isla markaana aanay maamul goboleedyadu ka amar qaadan dawladda federaalka.

 

 

Leave a Reply