Garsooraha maxkamadda Maryland oo gurigiisa lagu toogtay

0
153

Booliiska Maryland ayaa raadinaya qof looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilka garsoore lagu toogtay bannaanka gurigiisa, kaddibna ku dhintay isbitaal todobaadkan.

Dhibbanaha la dilay ayaa ah Garsooraha Maxkamada Degmada Washington Andrew Wilkinson oo 52 ah, kana  soo jeeda Hagerstown.

Xafiiska sheriff-ka ama madax booliska deegaanka ayaa raadinaya Pedro Argote, oo 49 jir ah, kaas oo ay sheegeen in uu hubeysan yahay oo khatar yahay.

Booliisku waxay rumaysan yihiin in Mr Argote uu u beegsaday garsooraha arrin ku saabsan go’aan furiin oo fuliyey Wilkinson.

Garsoore Wilkinson waxa uu guddoominayey kiis furriin ah oo uu ku lug lahaa Mr Argote waxana uu qabtay dhegaysi subaxnimadii Khamiista, sida ku cad diiwaannada maxkamadda Maryland.

Xafiiska Sheriff-ka ee degmada Washington ayaa sheegay in Mr Argote aanu soo xaadirin dhageysiga,halkaas oo garsooraha uu u oggolaaday in carruurta tuhmanaha ay hooyadood sii hayso.

Xildhibaanada ayaa tegay guriga Mr Wilkinson ka dib markii ay heleen warbixin ku saabsan toogasho. Dhibbanaha ayaa la helay isaga oo ku dhiig baxaya dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen gaadhigiisa.

Xafiiska shariifka ayaa sheegay in xaakim Wilkinson xaaskiisa iyo wiilkiisa ay guriga ku sugnaayeen wakhtigaas.

Mr Wilkinson waxa uu noqday xaakim sanadkii 2020,kadib markii uu qareen ahaan u shaqaynayay in ka badan 20 sano,sida uu qabo Maryland State Archives.

Xafiiska shariifka ayaa sheegay in Mr Argote aanu hore u lahayn wax dambi ah, balse ay hore ugu tageen gurigiisa sababo la xiidhiidha khilaafyada qoyska.

 

Leave a Reply