Qaababka Loo Abaabuli karo Shacabka Somaliland si Dagaalada Baraha Bulshada aynu Isaga Difaacno

0
249

Maqaalkii kan ka horeeyay waxa aan idinku waydiiyey Su’aal nuxurkeedu ahaa qaabkee loo abaabuli kara shacbiga Somaliland ?

Maqaalkan oo qaybtii labaad ahna waxa aan ku lafo guraya qaababka loo abaabuli karo shacabka Somaliland si Dagaalada baraha Bulshada aynu isaga Difaacno .

 

Somaliland sanadihii udambeeyay waxa baraha bulshada kaga socday Dagaalo ay wadaan kooxo hoosta ka xidhiidhsan isla markaana ka midaysan sumcad dilka Dawladnimada iyo Shacabka Somaliland.

Hadaba waxa la gaadhay   waqtigii shacabka Somaliland loo abaabuli lahaa in ay iska difaacaan dagaaladaas si Cadawga Somaliland ee Baraha bulshada loogu quus-gooyo .

Hadaba waxa aan qormadan idinkula wadaagaya  qaababka Loo Abaabuli karo shacabka Somaliland .

 

1-     Jaamacadaha : Jaamacaduhu waa meelaha laga jaangooyo qaabka bulshadaasi u fekerto ,wax u aragto sidoo kalena laga bedelo hab dhaqanka Bulshada ,sidaas oo ay tahay Jaamacadaha Somaliland waxa la gudboon in ay ardayda u abaabulaan qaab aqoonaysan oo ay qarankooda uga difaaci karaan cadawga baraha Bulshada .

2-     Qurbajoogta : Qurbuhu waa meelaha laga soo abaabulo dagaalada Jamhuuriyada Somaliland lagu waxyeelaynayo sidaas oo ay tahay waxa qurba joogta Somaliland la gudboon in ay midoobaan oo dagaalada gondohoodana iska ilaabaan isla markaana ay difaaca qaranka meel uga soo wada jeestaan si cadawga Somaliland ee baraha bulshada aynu uga guulaysano .

3-     Dhaqanka : Bahda dhaqanka Somaliland waxa ay inta badan isku xidhaan shacabka iyo dawlada ,waxaanay xidhiidh toos ah la leeyihiin bulshada sidaa darteed waxa bahda dhaqanka la gudboon in ay shacabka abaabulaan si shacabku indho dheer ugu yeeshaan Dagaalada Xukuumada Somaliland iyo shacabkeeda kaga socda baraha Bulshada .

4-     Siyaasiyiinta : Siyaasiyiinta Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba waxa looga baahan yahay in ay bulshada la wadaagaan fariimo wacyi-gelin ah oo ku saabsan dagaalada baraha bulshada kaga socda si bulshadu ugu baraarugaan dagaalada Xukuumada iyo Shacabka Somaliland kaga socda Baraha Bulshada .

5-     Dhalinyarada : Dhalinyarada Somaliland waa mustaqbalka iyo cida berito madaxda ka noqon doonta waddanka sidaa darteed waxa loo baahan yahay in ay dalkooda iyo Dadkoodaba af iyo Adinba ku difaacaan .

6-     Ganacsatada : Ganacsatadu waa  qaybaha ugu muhiimsan bulshada ee  Horumarkooda iyo horu-socodkooduba uu ku xidhan yahay Bulshada ,Ganacsatada waxa la gudboon in ay door weyn oo muuqda ka qaataan sidii shacabka Somaliland loo abaabuli lahaa si aynu isaga difaacno Dagaalada baraha bulshada kaga socda xukuumada Somaliland iyo shacabkeeda.

7-     Aqoonyahanka : Aqoonyahanka Somaliland Masuuliyad wayn ayaa ka saaran in ay shacabka Somaliland u abaabulaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Falal kasta oo lagu waxyeelayo Jiritaankooda ,Horumarkooda iyo Dawladnimadoodaba ,waxaadse mooda in waqti xaadirkan ay shacabka Somaliland ku banaan tahay kaalintii ay aqoonyahanku ku lahaayeen difaaca qaranimada ,halka aqoonyahan badan oo dhinaca kale ah ay u tafo xayteen burburinta iyo waxyeelaynta sharafta iyo karaamada xukuumada Somaliland iyo Shacabkeedaba.

 

La soco qaybta 3-aad waxa aan kaga hadli doona Aqoonsiga Somaliland iyo Dagaalada Baraha Bulshada.

 

Alla Mahad leh

 

Nuur Cali Maxamed

Hargaysa Somaliland

Leave a Reply