Cajaa’ibaadka Meeratada Nolosha Fiid Meerta

0
233

Shimbirta Fiidmeerta ayaa la sheegay inay leedahay calaamado iyo cajaa’ibaad ay kaga duwan tahay noolayaal badan. Sida uu cadeeyay aqoonyahan cilmiga xayawaanka ah oo reer Canada Mr.Charles Francis  shimbirka Labka ah ee Fiidmeerta ku nool kaynta Kuala-Lumpur ee Malaysia ayaa awood u leh in uu naaska nuujiyo dhasha inta ay ka maqan tahay shimbirta hooyada ah, arinkan oo yaab noqday.

Sida ay muujiyeen warbixino iyo daraasad laga sameeyay nolosha Fiidmeertu waa xayawaanka naaslayda ah ee aan beedka dhalin ee haddana duula isagoo aan la mid ahayn shimbiraha kale. Fiidmeerta dhediga waxay dhasheeda siin kartaa 350 Microliter oo caano ay ka jaqaan naaskeed ah, halka labku siin karo 6 Microliter keliya oo ku filan inta hooyadu ka maqan tahay. Sida lagu daabacay wargeyska Faransiiska “Cyans Avignon” arimo noocan oo kale ah waxa kale oo ay ka jiraan dalalka Afrikada dhexe.

Leave a Reply