Xaqiiqda Geeridii Mulxidka Weyna!

0
250

Mulxidkii curiyaya shuuciyadda Karal Markis wuxu ku dhashay 5 May sanadkii 1818  dalka  Jarmalka. Wuxu ahaa  faylasuf, ganacsade, suxufi, iyo nin dareenka bulshada kiciya. Waxa uu tegay magaalda London waxaana ay isku barteen Faylasuuf kale oo Jarmal ah oo lagu magacaabi jiray Friedrich Engels oo qoray sanadkii 1883, buugga “Qoraal yarihii cadaynta shuuciyadda” Pamphlet The Communist Manifesto”.

Wuxu ka mid ahaa tafatirayaasha wargeyskii “Rhenns sietfun” oo Jarmalka ka soo bixi jiray kaasi oo hantigoosadka ku dhaliili jiray kuna faafiin jirin amaanta shuuciyadda. Waxaana looga digay inuu qoraaldaasi joojiyo iyadoo markii danbe wargeyskii la burburiyay markii laga cadhooday qoraaladiisa.

Karl Marx waa aabaha mabda’ shuuiciga ah waxaana uu aaminsanaa inay diintu bulshada kala qaybiso iyo in aan waxba la caabudin, waxaana uu caan ku ahaa mulxidnimada. Ninkaasi aan diinta lahayn waxa yaab iyo mucjiso noqotay maalintii uu dhimanayay oo ahayd 14 March  , sanadkii 1883 Saacadihii sakaraadku hayay waxa la kulmay ardaydiisa iyagoo arkaya ayuu ku dhowaaqayay xanuunkii hayay awgeed “ Ilaahayow I gargaar”, aad ayay ula yaabeen madaama uu ahaa mid aan waxba rumaysnayn.  Muu rumayn Allah , laakiin sakaraadkii ayuu ku ogaaday xaqiiqda dhabta ah iyo inuu Allah dunida maamulo. Qofkana naftu kama baxdo ilaa uu arko Jano iyo Cadaab halka uu geliyo.  (Wargeysa Alrakoba/ Sudan).

Leave a Reply