Khasaaraha Ka Dhashay Shil Baabuur oo ka Dhacay Bariga Hargeysa

0
159

Hargeysa (Dawan) Saddex qof ayaa ku dhintay 9 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo shalay galinkii danbe ka dhacay bariga magaalada Hargeysa.

Shilkan gaadhi ayaa ka dhacay degaanka Burcada-yar iyo Aw-barkhadle ee bariga magaalada Hargeysa waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan gaadhi ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa ay wararku intaas ku darayaan in dadka dhaawacmay uu ku jiro wiil yar kaas oo xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland Maxamed Cige Cidheere iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka ayaa gaadhay goobta, waxaanu xusay in ciidanku gacanta ku hayaan sababtii shilka keentay.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa muddooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay shilalka gaadiidka ee kala duwan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

 

 

Leave a Reply