Jamhuuriga oo Mike Johnson u doortay inuu noqdo Murashaxa afhayeenka Aqalka

0
199

Xisbiga Jamhuuriga ayaa u doortay Congressman Mike Johnson inuu noqdo musharraxii ugu dambeeyay ee afhayeenka Aqalka Wakiilada.

Waa musharraxa afaraad ee la soo bandhigo ka dib markii saddex kale ay ku guuldareysteen inay taageero ku filan ka helaan asxaabtooda, waana musharraxa labaad ee maalintaas.

Mr Johnson ayaa la doortay ka dib saddex wareeg oo codbixin ah goor dambe oo Salaasdii ahayd.

Goluhu waxa uu ahaa afhayeen la’aan mana awoodin in uu meel mariyo biilasha tan iyo markii Kevin McCarthy la riday 3 Oktoobar.

Xulashada Mr Johnson, oo 51 jir ah kana socda gobolka Louisiana waxaa ku dhawaaqday Guddoomiyaha Shirarka xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Elise Stefanik.

Jamhuuriyiinta ayaa aqlabiyad yar ku haysta marka loo eego Dimuqraadiyiinta aqalka hoose ee Congress-ka, sidaa darteed musharaxa ay sharaxaan waa in uu awood inuu wada helo codadka dhinaciisa ah si uu u guuleysto.

Magacaabista Mr Johnson ayaa timid saacado uun kadib markii musharraxa la tartamayey Whip Whip Tom Emmer, uu tanaasulay ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo jiito taageero ku filan.

Ma cadda in Mr Johnson uu heli doono 217 cod – taas oo ah aqlabiyad fudud amah al dheeri si uu ugu guuleysto doorashada.

Codbixintii horaantii Salaasadii Mr Johnson ayaa ku soo baxay kaalinta labaad oo Mr Emmer ayaa ka horeeyey, balse Emmer oo ah wakiilka Minnesota ayaa ka tanaasulay markii uu waayey taageera madaxweynihii hore ee Donald Trump oo dhinaca kale raacay.

Magacaabida Mr Johnson ayaa la filayaa in ay hesho cod buuxa oo ka hesho Aqalka. Waxaase la eegi doonaa cod bixinta.

Xildhibaanka laga soo doorto Wisconsin Mike Gallagher ayaa u sheegay Politico in uu shaki ka qabo in Mr Johnson uu ku guulaysan karo codad ku filan aqalka.

Mr Johnson waa qareen hore wuxuuna ka soo shaqeeyey idaacadaha hadalka ee wax falanqeeya ilaa 2016, wuxuu ahaa gudoomiyihii hore ee guddiga daraasadda Jamhuuriga waxaana loo arkaa inuu yahay saaxiib dhow Mr Jordan.

Doorashadii 2020, Mr Johnson waxaa uu door weyn ka ciyaaray isku dayga lagu diidan yahay guusha Joe Biden ee doorashada madaxtinimada ee 2020.

 

 

Leave a Reply