๐— ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—”๐—ต ๐—ธ๐˜‚ ๐—ง๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—พ๐—ถ๐—ถ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ ‘๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ’ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—•๐—ฒ๐—ฟ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ

0
129
๐—•๐—˜๐—ฅ๐—•๐—˜๐—ฅ๐—” -(Dawan) Wasiirka Wasaaradda H. Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Aadan C/laahi Sheekh Muuse, ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagay Warshadda daqiiqda Wadaniya ee Magaalada Berbera.
Wasiirka iyo Agaasimaha guud oo ay wehelinayen xubno ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka iyo hawl-wadeenada Warshaddaasi, kuwaasi oo Weftiga Wasiirka War-bixino ka siiyey habka Warshaddu u shaqayso, Marxaladaha ay marto daqiiqdu derajada 1-aad ee soo saaristeeda illlaa marka suuqa loo iib-geeyo.
Intaasi ka dib, Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey Muwaadiniinta Maalgeliyey warshadda daqiiqda, isagoo u soo jeediyey talooyin muhiim u ah shaqadooda.
Waxa xusid mudan, in Badhasaabka Saaxil Cali-casse uu Weftiga Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku wehelinayey kormeerkaas.