Kulanka Guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wasiirrada

0
168
Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirrada JSL ayaa qabtay kulan lagu falan-qaynaayo Siyaasadda Daryeelka Bulshada oo ay soo diyaasiray wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL.
Waxaana madasha goob joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoor-xoor) oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee wasaaradda.
Iyadoo goobtaa sharaxaad dheeraada ah oo khusaysa maraaxilkii kala duwanaa ee nidaamka daryeelka bulshadu soo maray, iyo qorshaha fog ee daryeelka bulshada lala wadaagay gudida.
gaba gabadii shirkaa waxay gudidu ku meel mariyeen siyaasadda qaran ee daryeelka Bulshada wakhti xaadirkaana loo gudbin doono xafiiska madaxwaynaha JSL.