𝗠𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗕𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗕𝗼𝗼𝗾𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗿𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 𝗔𝗵 𝗸𝘂 𝗧𝗮𝗴𝗮𝘆 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗱𝗮 ‘𝗪𝗮𝗱𝗮𝗻𝗶𝘆𝗮’ 𝗲𝗲 𝗕𝗲𝗿𝗯𝗲𝗿𝗮

0
98
𝗕𝗘𝗥𝗕𝗘𝗥𝗔 -(Dawan) Wasiirka Wasaaradda H. Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Aadan C/laahi Sheekh Muuse, ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagay Warshadda daqiiqda Wadaniya ee Magaalada Berbera.
Wasiirka iyo Agaasimaha guud oo ay wehelinayen xubno ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka iyo hawl-wadeenada Warshaddaasi, kuwaasi oo Weftiga Wasiirka War-bixino ka siiyey habka Warshaddu u shaqayso, Marxaladaha ay marto daqiiqdu derajada 1-aad ee soo saaristeeda illlaa marka suuqa loo iib-geeyo.
Intaasi ka dib, Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey Muwaadiniinta Maalgeliyey warshadda daqiiqda, isagoo u soo jeediyey talooyin muhiim u ah shaqadooda.
Waxa xusid mudan, in Badhasaabka Saaxil Cali-casse uu Weftiga Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku wehelinayey kormeerkaas.