๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ: ๐—ฑ๐—ถ๐—น ๐—พ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ฎ๐—ต oo lag๐˜‚ ๐—ณ๐˜‚๐—น๐—ถye๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—น ๐˜‚ ๐—ด๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜†

0
146
๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” -(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo hore loogu helay in ay gaysteen dilal.
Dilkan oo saaka subixii hore la fuliyay ayaa ka dhacay deegaanka Madheera, oo caan ku ah qisaasta isla markaana ay xukuumadu u adeegsato in ay ku fuliso qisaasta dadka lagu helo falalka dilalka ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan saxeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo aan magacyadooda iyo noocyada dilalka ay galeen aan la shaacin.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayuu ka soo baxay warka dadka qisaasta lagu fuliyey.