Gaza: Tobanaan Dhaawac ah oo ka gudbay soohdinta RAFAH

0
147

Warbaahinta Masar iyo ilo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyay marinka Gaza ay Arbacada kasoo gudbeen xadka Masar, iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar garwadeen ka tahay oo ay wada gaaren Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israel ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas.
Dadka lasoo daadgureeyay ayaa lagu daabbulay gawaarida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah.
Sida ku cad heshiiska ay wada gaadheen Masar, Israel iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka goโ€™doonsan.
heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah Israel ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.
Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan.
Isgaadhsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray marinka Gaza mar kale Arbacada maanta, sida ay sheegtay shirkada bixisa adeegyada ee Paltel.
Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay ka gudbi doonaan xadka Rafah maanta.