Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Xeerka Doorashooyinka, Xaaladaha Qasa, Ceel-afweyn iyo Cali-saahid

0
217

Hargeysa (Dawan) Kalfadhigii 83-aad ee golaha guurtida Somaliland, ayaa si rasmiya u furmay shalay, waxaanu guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,  Mudanayaasha Golahaasi Warbixin ka siiyey xaaladda dalku marayo.

Guddoomiye Saleebaan ayaa  ka waramey in wefti uu goluhu u diray dhibaatooyin ka dhacay deegaanada Ceel-afwayn iyo Cali-saahid,  oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan, waxaanu  tilmaamay in afar xubnood oo xoojin ah u shirguddoonka ka dhex-magacaabi doono, afartaas mudane oo ka mid noqon doona guddiddii nabadeynta u joogtey degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

Dhinaca kalena  guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, waxa uu ka hadlay  sicirbararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanu sarif barar ahayn ee uu yahay dollar barar, waxaanu ku boggaadiyey masuuliyiinta Baanka dhexe talaabooyinka uu ku xakameynaayo sicir bararkaasi iyo lacagta shilinka Somaliland,  oo ay ka ururinaayaan sariflayaasha iyo ganacsatada Suuqa caasimadda ka howlgala, oo ay ugu beddelaayaan lacago Dollar ah, si arrinta sicirbararka  wax uga qabtaan, waxaanu bulshada kula dardarmey   inay garab joogsadaan howshaasi mas’uuliyiinta Baanka Dhexe gacanta ku hayaan.

Geesta kalena,Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu mudanayaasha golaha ku wargeliyay ku wargaliyey in xeerkii Doorashooyinka dalku golaha la horkeeni doono, isla markaana loo qaybin doono, waxaanu ka codsaday in aanay ka degdegin.

Waxaanu yidhi.“Laba wafti ayaa innaga maqan, waftiga Ceel Afweyn isaga sooma hoyde ayaa la yidhaahd, sababto ah sooma noqdaanba iyo waftiga Cali Saahid, haddii ALLE yidhaahdo labaduba hada way dhaw dhaw yihiin, waxaan rajjo weyn ka qaba muddo 7 cisho inay innagaga soo dhammaato xaalada Ceel Afweyn”

Guddoomiye Saleebaan ayaa  ka waramey in wafti u goluhu u diray dhibaatooyin ka dhacay deegaanada Ceel Af-wayn iyo Cali Saahid,  oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan, waxaanu  tilmaamay in afar xubnood oo xoojin ah u shirguddoonka ka dhex-magacaabi doono, afartaas mudane oo ka mid noqon doona guddiddii nabadeynta u joogtey degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

“Cali Saahid marka beelihii ku diriray ku heshiin waayeen Golaha Guurtida JSL, ayaa galaya, ergadii ka guurti ahaan innaga joogtay Cali Saahid, waay kala tageen 3 mudane ayaa ka hadhay aakhirkii, 4 nin oo kale ayaynu ku daraynaa oo golahan aynu ka xulo, iyagana waxa aynu ku rajjo weynahay inay hawsha soo dhammeeyaan, labada beelood ee shaqaaqadu ka dhexdhacday reer walba waxa ka qaybgalaya hal xidhiidhaya ah, iyagu dagaalka gelimayaan garna niqimaayaan,”

Dhinaca kalena  guddoomiyaha golaha guurtida JSL, waxa uu ka hadlay  sicirbararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanu sarif barar ahayn ee uu yahay dollar barar, waxaanu ku boggaadiyey masuuliyiinta Baanka dhexe talaabooyinka uu ku xakameynaayo sicir bararkaasi iyo lacagta shilinka Somaliland,  oo ay ka ururinaayaan sariflayaasha iyo ganacsatada Suuqa caasimadda ka howlgala, oo ay ugu beddelaayaan lacago Dollar ah, si arrinta sicirbararka  wax uga qabtaan, waxaanu bulshada kula dardarmey   inay garab joogsadaan howshaasi mas’uuliyiinta Baanka Dhexe gacanta ku hayaan.

Waxaanu yidhi.“Waxa dalka ka dhacay sicir barar maaha ee waa dollar barar, baanku sifiican ayuu uwada hawshaasi dejinta iyo xasilinta sicir bararka, lacagtii Shilinka JSL ayuu suuqa ka ururinayaa, dollarna wuu galiyay, lacagta shilinka waalagu khasban yahay in la aamino,”

“Xeerka dhagta loo wada taagay golahana soo galay, buuqiisu wuu idin hor imanaya suga, idinka waa la idiin qaybinaya ha sugi waayina, nuxur ahaan aadbu u fiican yahay, wixii hawla awalba waad qaban jirteen, iskumaynaan buuqi jirin, haddii guddi loo baahdana waynu u saaraynaa,”

Gudoomiyaha ayaa u duceeyay dadka reer Falastiin ee Yuhuud dhibaataynayso, waxaanu ugu duceeyay in ILLAAHAY dhibka ka kor qaadi.

Waxaanu yidhi.“Gaalo Falastiin way u heshiisay, dad Muslineynu nahay, dad Carbeedbaynu nahay, Mareykanba hor boodaya, may dhici jirin in madaxweynaha Mareykanu dagaalka hoggaamiyo, kan maantu isaga Israa’il tagey, Ciidan, Maraakiib iyo diyaaradihii wax duqaynayayba wuu geeyay,   Qaladii ku dhacday isagaba dunnida madax u ahaaye halku isku wadaa, sowka hoos isu dhigey.

Innagu duco ayaynu u dirayna, ciidamadana wixii ku biiraya haku biiraan si aynu gaashaan ugu noqono,”