Waxaanu u Taagannahay ka Wasaarad ahaan in kor loo Qaado ka Faa,iidaysiga Tignoolajiyadda,”.Wasiir Cabdiwali

0
157

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Isgaadhisiinta  iyo  Tignoolajiyadda Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi  Sheekh  Suufi Jibriil ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go,an  tahay in la casriyeeyo ku shaqaynta  adeegyada Tignoolajiyadda.

Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi  oo hadal ka jeediyay  daahfurka hannaanka casriga ah ee adeegyada Dawladaha Hoose ee shan Degmo oo shalay ka furmay  Magaalada Hargeysa
ayaa  waxa uu tilmaamay in Mashruucan kor loogu qaadayo adeeg  bixinta.

Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa noo farxad ah ka Wasaarad ahaan in  Maanta(shalay) daahfurno Mashruuca in la casriyeeyo adeegyada shan degmo oo ka mid ah dawladaha hoose ee dalka.waxaana yoolku yahay in adeegyada laga dhigo qaar casriya.waxaana aanu u taaganahay Wasaarada ahaan in kor loo qaado ka faa,iidaysiga Tignoolajiyadda  oo wax  badan ku soo kordhiyay nolosha Bini,aadamka.gaar ahaan marka noqoto adeeg bixinta dawlada qofka reer  Somaliland  in taas oo Xafiis oo dawladeed ayuu uga baahanyahay in uu  ka helo  adeeg,markaa in si guud  looga faa,iidaysto Tignoolajiyadda ayaa mashruucani yahay.waana  mid ka mida Mashaariicda lagu horumarinayo dawladaha hoose oo iyaga laftiguuduna shaqo  weyn qabta,waxaana mashruucani qayb ka yahay  maamul daadajinta oo daatuurku qorayo.waxaana weeye adeegii degmada la geeyay in la casriyeeyo haday noqoto Cashuur bixintii iyo adeegyada kale waxaanay kor u qaadaysaa adeeg  bixintii,”.