Maxaa Ugu Dambeeyay Xaaladda Qasa?

0
171

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinkenis ayaa ku jira wejiga xiga ee booqashadiisa diblomaasiyadeed ee uu ku joogo Bariga Dhexe, isagoo ku sugan Ramallah oo uu kula kulmayo Madaxwyenaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlaya dadaallada “lagu soo celinayo xasiloonida iyo ammaanka” ee Daanta Galbeed, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka

Cabaas ayaa sidoo kale ku baaqay “xabbad-joojin degdeg ah”, iyadoo dalabaad taas la mid ah uu ka yimid dalalka Carabta

Dhinaca kale asaaradda caafimaadka ay Xamaas maamusho ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xerada qaxootiga al-Maghazi. IDF ayaa sheegtay inay baareso dhacadadaas

Wararka kalena, ilo ayaa BBC u sheegay in ilaa 20 qof oo dhaawac ah loo oggolaan doono in laga soo qaado Qasa oo loo gudbiyo Masar iyaodo la marayo marinka Rafax

Arrintan ayaa daba socota hadalkii QM ee ahaa in ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay ku barakaceen Qasa, iyadoo in ka badan 700,000 oo qofna ay ku nool yihiin xarumaheeda