Booliska oo ka hadlay Dil ka Dhacay Xaafada Sheekh Cumar

0
148

Hargeysa (Dawan) – Ciidanka Booliska JSL, ayaa  sheegay in wiil 23 jir ah uu wiil kale oo 17 jir ah in uu middi ku dilay magaalada Hargeysa.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Sheekh Cumar Yuusuf, ee degmada 31-ka May ee koonfurta Hargeysa, ayaa lagu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar, kadib markii uu middi la dhacay Abshir Saleebaan Xuseen, oo ah wiilka dilka gaystay.

Warkan booliska ka soo baxay ayaa lagu yidhi.”Dedaal dheer iyo hawlgal ay sameeyeen ciidanka boolisku ayay kusoo qabteen eedaysanaha magaalada Wajaale iyo Gabiley dhexdooda halkaasi oo uu doonayay inuu ka tallaabo xadka Somaliland iyo DDS”.

Dhanka kale, Ciidanka Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysaneyaal kale oo la aaminsanyahay in wiilka dilka gaystay ay gacan ka siiyeen in uu dilka gaysto.

Eedaysanayaasha kale ayaa kala ah Cabdiraxmaan Farxaan Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20-jir, Xamse Cabdillaahi Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir, Sayid Cabdiraxmaan Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir, Mustafe Cabdilaahi Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir.

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa soo bandhigay danbiyadii sannadkan ka dhacay Somaliland.