Wasaaradda Deegaanka JSL oo Dalka ka Fulisay Olole Balaadhan oo Dhir Beeris ah

0
126

 

“Waxaanu ogaysiinaynaa dadweynaha in ay dhirtii diyaar tahay 200, 000 oo kun oo geed…”

 

 

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL ayaa dhawaan shaacisay in ay olole dhir beeris ah guud ahaanba goboladda dalka ka bilawday.

Dhirtaasi oo tiradeedu gaadhayso 200, 000 oo kun oo geed ayaa loogu tallo galay in loo qaybiyo bulshadda, taasoo lagu diyaariyay dhamaanba goboladda dalka iyo xarunta dhir kobcinta Hargaysa.

Waxaana dhirtaasi  loogu tallo galay in la beerro xili roobaadkan Dayrta, iyadoo na bulshada reer Somaliland lagu siin doonaa si lacag la’aan ah.

Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha waaxda dhirta ee wasaaradaasi oo warbaahinta la hadlay.

Dhirtaasi ayaa lagu diyaariyay xarunta kobcinta Hargaysa, iyo goboladda kale ee dalkaba.

Dhirtaasi ayaa loogu tallo galay in la beerro xili roobaadkan. Waxaana bulshada reer Somaliland lagu siin doonaa si lacag la’aan ah.

Sidoo kale dhirtani ayaa loogu tallo galay in laga beerro meelaha nabaad-guurku ku dhacay, si dhirtii loo soo celiyo.

Hada ba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaan ku soo qaadan doonaa fariintaasi ay wasiirka Deegaanka iyo masuuliyiinta kale ku shaacinayeen ololahaasi dhir qaybinta ah.

Dhirtani ayaa isugu jira noocyo kala duwan, sida kuwa Hadhka, Cawska, ama calafka xoolaha, iyo qaybaha kale ee geedaha, sida ay wasiirka Deegaanku sheegtay.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa dadweynaha ku wargelisay in qof kastaaba uu qaato dhirta inta uu beeri karo ama xanaanayn karo oo keliya. Balse aanay dadweynuhu qaadan dhir tiro badan oo aanay ilaalin karin ama xanaanayn karin.

Wasiir Shukri Baandare, oo arrimahan ka hadlaysay na waxay tidhi “Waxaanu ogaysiinaynaa dadweynaha in ay dhirtii diyaar tahay. 200, 000 oo kun, oo geed ayaa diyaar ku xarumaha dhir kobcinta ee goboladda dalka.

Waxaanay isugu jiraan noocyo kala duwan. Dadweynaha waxaanu ku marti qaadaynaa in ay soo doontaan dhirtaas. Waxaanan ku boorinaynaa dadweynaha in aanay qaadan wax aanay awoodi Karin. Laakiin, waa in qof waliba uu qaato intii uu beeri karo uun”.

Wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa sidoo kale waxay bulshadda ku boorisay in dhirta la siiyay ay ilaaliyaan ama xanaaneeyaan.

“Waxaana la idiinka baahan yahay in dhirtaasi beertaan, oo aad ilaalisaan. Waxaan idinku boorinayaa in aad Deegaanka ilaashataan, oo aad dhul-daaqsimeedka ilaalisaan”ayay tidhi Shukri Baandare.

Geesta kale agaasimaha waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa isna waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhirtan loo diyaariyay in bulshadda loo qaybiyo.

Waxaanu yidhi “Waxaanu dhamaanba bulshadda reer Somaliland ee Miyi, iyo magaalo ba ku dhaqan, aanu ogaysiinaynaa in wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladu in xarumaha kobcinta dhirta ee goboladda dalka ay ku diyarisay, dhir ay tiradeedu gaadhayso 200, 000 oo kun oo geed.

Dhirtaasi oo isugu jirta, calafka xoolaha, Hadhka, kuwii lagu beerayay dhulka nabaad-guuray, iyo kuwii Midhaha, inta ba ay isugu jiraan”.

“Waxaanay dhirtaasi u diyaarsan yihiin, in la beerro. Maadaama oo imika lagu guddo jiro xili-roobaadkii Dayrta. Waxaanay wasaaradda Deegaanku dhirtaasi dadweynaha ku siinaysaa si lacag la’aan ah.

Dhirtaasi ayaana ku diyaarsan magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Hargaysa, Boorama, Caynaba, iyo magaalooyin kale.

Dhir qaybintaasi ayay wasaaradu bilaabaysaa 21-ka bishan October. Saddexda maalmood ee u horeeya waxaa dhirtaasi loo qaybin doonaa degmooyinka, ama Hargaysa gudaheedda ha noqoto, ama kuwa ka baxsan ha noqotee” ayuu yidhi agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa.

Dhinaca kale waxaa jira shuruudo looga baahan yahay qofka doonaya ama la siinayo dhirtaasi, sida uu sheegay agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa.

Waxaanu yidhi “Shuruuda looga baahan yahay, waa in gaadhi waliba uu sito waraaqda cadaynta. Degmo waliba iyadaa u sii qaybinaysa xaafadaha.

Maalmaha ka danbeeya na waxaa imanaya wasaarradaha, iyo haayadaha dawliga ah. Cusbitaaladda, xabsiyadda, iyo dugsiyadda waxbarashadda, ama dawli ha noqdaan, ama kuwa gaarka loo leeyahay. Todobaadka ku xiga na waxaa loo shaqaynayaa dadweynaha caadiga ah”.