Dhimashada duqeynta Gaza oo sii korodhay

0
142

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay xalay duqeeyeen xero qaxooti oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof, iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku gacan sayreen baaqyo xabbad-joojin ah oo kasoo baxay dalalka Carabta.

Weerar kale oo dhacay ayay sidoo kale wasaaradda caafimaadka Gaza sheegtay in 21 falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda hal qoys, oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymo ay Israa’iil la beegsatay Gaza xilli habeen ah, sida ay qortay Reuters oo sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin tirada dhimashadan.

Iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay Qaza, ayaa dibadbaxayaal taageersan Falastiin ay Sabtidii shalay dibadbaxyo ka dhigeen magaalooyinka caalamka, iyagoo ku baaqaya in lasoo afjaro dagaalka socda ku dha dhawaad bil.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagey Daanta Galbeed ee la haysto maalintii Axadda, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas