Habka Caaqilku U Saxo Khaladka!

0
134

Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay , wuxuuna kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa.ย  Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saartoย  muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan โ€œ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskaygaโ€.ย  Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxii ayay u qaaday waxayna u raacisay fariinta ah โ€œ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badanโ€.

Sidaasi ayuuย  ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin.