Muslimiinta Iyo Wada Noolshaha

0
163

Aduunyad qofka wuxu ururinayo wuu ka dhimanyaa waxaan si dhib yar iskaga aqaadanaya dad aan ku soo hawshoon oo dhaxalkiisa leh.  Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis ku yidhi:

“ Xoolahaaga waxa keliya ee aad ku leedahay waa waxaad cunto oo aad dhammaysato iyo waxaad xidhato  oo duug noqda iyo waxaad sadaqaysato oo hormarsato. Wixii intaas ka soo hadhay waxaad uga tegi dad kale”. (Muslim iyo Imaam Axmed).

“Iimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Allah kula joogo si kasta aad ku sugantahay”.
“Mu’miniintu saddex bay wadaagaan: “Dabka, daaqa iyo biyaha”. (Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud).
“Ibna aadamku hadduu dhinto wuu go’aa camalkiisu saddex mooyee  cilmi lagu anfac leh, Ubad fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota ama jaari ah”. (Muslim).