Komiishanka Doorashooyinka oo Kulan ka Yeeshay Soo-saarista Liiska Codbixiyeyaasha Dalka

0
84

Hargaysa (Dawa) Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay kulan ka yeeshay arrimo la xidhiidha gogol-xaadhka, dhammaystirka iyo soo-saarista liistada kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha Doorashooyinka JSL (Final Voter List).

Kulankan ayaa sidoo kale oo lagaga wadahadlay, ilsa markaana lagu gorfeeyay qorshaha diyaargarowga qabsoomida Doorashooyinka soo socda ee JSL. Kaas oo ay qayb ka ahaayeen Gudoomiyeyaasha goballada iyo degmooyinka ee Komiishanka Doorashooynka Qaranka, kuwaas oo iyaguna dhankooda la wadeegaan Xubnaha KDQ warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee deeganada dalka JSL.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiika Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, warkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabtay kulan loogu Diyaar-garoobayo Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan u qabtay dhammaan Gudoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka ee Komishanka Doorashooyinka

Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa gogol-xaadhka, dhammaystirka iyo soo-saarista Liistada Kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha JSL

Kulaankaas waxaa kale oo lagaga wadahadlay qorshaha diyaargarowga qabsoomida Doorashooyinka soo socda ee JSL.

Gudoomiyeyaasha goballada iyo degmooyinka ee KDQ waxay iyagu na dhankooda la wadeegaan Xubnaha KDQ warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee deeganada dalka JSL.

Gebo’gabadii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maalmahan u danbeeyay waday kulamo ay ku dar-dargalinyaan hawlaha shaqo ee Komishanka, kaasi oo ay ugu gogol-xaadhayaan sidii loo heli lahaa doorasho ku qabsoomta wakhtigeeda.”

Dhinaca kale, Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Arbacadii todobaadkan waxa ay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ku qaabileen Safiirka Dalka Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Allen Chenhwa Lou. Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Safiirka warbixin ka siiyeen hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta hawlaha doorshaooyinka soo socda ee JSL.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Safiirka uga mahadnaqay sidii ay uga taageereen hirgalintii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada Somaliland, waxaanay ka codsadeen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinacyada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.