Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Gobolada Awdal oo Xukuumada ku Taageeray Adkeynta Ammaanka

0
85

Boorama (Dawan) Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Gobollada Awdal iyo Selelee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay Xukuumadda ku taageerayaan dedaalada horumarka qaranka ee ay waddo, isla markaana ay gacan buuxda ku siinayaan oo ay kala Shaqeeynayaan adkeynta Nabadgelyada iyo Wada-jirka Bulshada Somaliland.

Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Gobolada Awdal iyo Salal oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay khalkhal galiso Nabedgalyada ammaanka guud ee Jamhuuriyadda Somalilnad, gaar ahaan ammaanka gobollada Awdal iyo Salal.

Mid ka mida Odayaasha dhaqanka Gobolada Awdal iyo Salal ayaa waxa uu sheegay in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay nebedgalyada wax u dhinto, waxaana uu yidhi “Haddaanu nahay odayaasha dhaqanka ee Gobalada Awdal iyo Salal waxa aanu cadaynaynaa in aanaan cidna ka ogolayn in ay khalkhal galiso nabedgalyada. mana garanayno Awdal State iyo waxaas, qaranka ayaana ka masuula Nabedgalyada qaranka, dadka gobalka dagana waxa u dan ah Nabedgalyada, dawlada ayaanuna kala shaaqayn doonaa nabedgalyada”.

Sidoo kale mid ka mida Odayaashan ayaa waxa uu tilmaamay in ilaalinta nabedgalyada ay kala shaqaynayaan Xukuumadda, waxaana uu yidhi “Nabedgalyada Gobalka waa sugan tahay, horana ugamaan ogolaan cid kasta oo nabedgalyada ka soo hor jeeda, imikana ka ogolaan mayno, waana kala shaqaynaynaa Xukuumadda, gacan bir ah ayaanu wax kaga qabanaynaa”.