Gooja-cade iyo Garoowe Ayaa Inoo Balan ah” Qaar kamida Haweenka Somaliland

0
179

Hargaysa(Dawan) Qaar ka mid ah haweenka ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa ka hadlay colaada dib uga bilaabantay gobolada bari ee Somaliland, waxaanay sheegeen in aan loo dul qaadan karin weerarka ay soo qaadayaan kooxda huwanta ah ee Laascaanood, waxaanay sheegeen inay iska xaadirinayaan Degmada Oog si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyo dadkaba.

Haweenkan ayaa taageero u muujiyay ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool, waxanay sheegeen inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidankooda difacaya xuduudaha dalka.

Qaar ka mid ah haweenkan ayaa sheegay in kooxaha Laascaanood ay soo weerareen reer miyiga xoolaha la jooga balse ay iska difaaceen kana kaxeeyeen goobahoodii.

Haweenkan oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa ay yidhaahdeen “Waxa aanu hiil iyo hooba la garab taagan nahay ciidanka qaranka ee jiida jooga, waxaanu leenahay ciidanka reer miyiga ah ee macawis-layda ah ee huwantu maalin ba mid weerar ku soo qaadayaan ee ay rabaa inay hal dhabaalaystaan ee iska difaacay waxaanu leenahay guul baad gaadheen waanu idin hambalyaynaynaa’’.

Sidoo kale qaar ka mid ah haweenka oo iyaguna hadlaya ayaa waxa ay sheegeen

‘’Maanta raga nala dagaalamayaana waa ragii shalay kacay ee Siyaad Barre dhalay, waa ragii hadhaagii weeyaan, waa ragii soo kacay weeyaan, waa ragii unuga noqday, waa ragii oo argagixiso noqday weeyeen.

Dumarka Somaliland baan la hadlayaa, inankaagii, xaajigaagii iyo kii aad dhasheen halkaasi bay joogaan oo cadawga ayay idinka difaacayaan hadal looma baahna, maanta waxa aan idiinka baahanahay inaad is garab taagtaan oo guntiga dhiisha isaga dhigtaan.

Somaliland oo dhan hadaanu nahay waanu ka midaysan nahay, halkaa aad joogtaan baanu idiinku imanaynaa, ciidankayaga qarankan waanu garab taagan nahay, waxaanu leenahay marnaba ha niyad jabina anaga ayaa idin garab joogna’’.