Tabobar loo soo Xidhay qaar ka mida Qhaqaalaha Wasaarada Caafimaadka

0
91

Hargeysa (Dawan)- Agasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa tababar lagaga hadlayay daryeelka xaaladaha degdega u soo xidhay qaar ka mida Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee xarumaha Hooyada iyo dhalaanka iyo Cisbitaalada dalka.

Agasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay xidhitaankii tababarkan ayaa kula dardaarmay ka soo qayb galayaashii in ay shaqadooda ku dabaqaan aqoontii ay qaateen.waxaana uu intaasi ku daray in ay qaateen aqoon balaadhan mudadii shan cisho ee tababarkani u socday.

Maxamed Cabdi Xergeeye oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aan idikula dardaarmayaa aqoontii tababarkan ku qaadateen in aad usii gudbisaan inta aan qaadan aqoontan,dad keena waxa ay soo bartaan aad uma sii fidiyaan.waxa ay u baahantahay in aad ku shaqaysaan isla,markaana aad u gudbisaan inta aan fursada u helin.waxa aan isleeyahay waxa uu ka mid yahay tababarkani kuwa ugu qiimaha badan ee ka dhaca dalkeena,waxaana muddo shan cisho ah halkan laydiku tababarayay aqoon ah sida loogu shaqeeyo xaaladaha degdega waxaana laydika rabaa in aad badbaadisaan nafaha. in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha weynaha Wasaarada Caafimaadka waxa ay ka mid tahay muhiimadaha ay wasaarada Caafimaadka xooga saartay ujeedada laga leeyahay tababaradu waxa weeye in kor loo qaado aqoonta dadka tababarada loo qabanayo.aniga oo ku rajowayn in aad qaadateen shantaa cisho tababar balaadhan iyo aqoon balaadhan ana aan ku rajo waynahay in aad qaadateen,”.