Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u Xidhay Xubno ka Tirsan Garsoorka Gobolka Maroodijeex

0
168

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa tababar u soo xidhay 35 xubnood, oo iskugu jiray Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal, Kaaliyayaal iyo Qareenno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kalana guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya cilmigii ay faa’iidaysteen.

Tababarkan oo socday shantii cisho ee u danbeeyay ayaa diirada lagu saarayay axkaamta muhiimka ah ee shareecadda Islaamka iyo habraacyada xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaana qayb ka ahayd fallan-qayn sharci oo salka ku haysa go’aan ka gaadhida xukunnada.

Munaasibadda xidhitaanka tababarka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa ku wehelinayay madaxa waaxda Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, Lataliyaha dhanka Shareecadda ee Maxkamadda Sare Sheekh Dr. Ciise Maxamuud iyo Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo iyagu kamid ahaa khuburadii tababarka bixinaysay.

Ugu horayn Garsoore Cabdiraxmaan iyo Sh/Dr. Ciise ayaa xubnaha tababarka ka qayb qaatay kula dardaarmay in ay joogteeyaan waxbarashada, maadaama geediga waxbarasho aanu dhammaan, isla markaana muhiim u yahay koboca aqooneed ee qofku u baahan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay aqoon-is-waydaarsiga iyo tababarada joogtada ahi, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Garsooraha iyo guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka ay waajib ku tahay in mar kasta ay kor-u-qaadaan aqoontooda sharci. Guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku booriyay in aanay ka daalin sare u qaadida cilmiga kana faa’iidaystaan wakhtiyada firaaqada ah ee u soo hadha.

Geesta kale guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka sida ay uga faa’iidaystaan barnaamijka lagu kobcinayo aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka, kaasi oo jaamacadaha iyo hay’adda Garsoorka ka dhexeeya. Guddoomiyaha ayaa xusay in udub-dhexaadka cilmigu yahay baadhida iyo joogteynta akhriska, waxaanu tibaaxay in waayadii u danbeeyay awoodda la saaray tababarada la xidhiidha Shareecadda iyo culuumta kale ee sharciga, si loo balaadhiyo fahamka iyo fikirka Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha, qareennada iyo hawl-wadeennada kale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada iyo ubucda tababaradani yihiin baraarujin, si hawl-wadeennadu u sii amba-qaadaan bad-waynta cilmi ee Masaajida “xala-qaadka” iyo xarumaha waxbarashada ka socota, waxaanu xusay in ay ka go’an tahay balaadhinta tababarada gaagaaban, maadaama ay xambaarsan yihiin culuum balaadhan, wakhiguna kooban yahay.