Wasiirka Waxbarashadda JSL iyo oo Nairobi Kula Kulmay Beesha Caalamka iyo Baanka Aduunka

0
189

Nayroobi(Dawan)- Wafti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugnaa mudooyinkii u danbeeyay dalka Kenya gaar ahaan magaaladda Nayroobi ayaa halkaasi kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah deeq-biyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca waxbarashada.

Waftiga wasiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay xafiiska Midawga Yurub, Baanka aduunka iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan taageerada caalamiga ah ee loo soo gaabiyo USAID, ujeedada kulamada ayaa salka ku hayay sidii waftigan uu u hordhigi lahaa deeq-bixiyayaasha dhinaca waxbarashada mudnaanta iyo horumarinta qorshaha shanta sano ee soo socda.

Weftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo saynisku Somaliland ee uu hogaaminayay wasiirka Waxbarashada oo weli ku guda jira hawlihii ay dalka Kenya ku tageen oo u jeedada ugu weyn ee socdaalkoodu ahayd in deeq-bixiyeyaasha Somaliland xagga waxbarashadda ka taageera uu waftigu la wadaago qorshaha horumarinta waxbarashadda iyo mudnaanta Somaliland ee 5 sano ee soo socota.

Weftiga Wasaaradda waxbarashada oo Maalintii 10-aad Ku sugan dalkaasi Kenya ayaa Madaxda iyo Hay’addaha Kala duwan ee ay la kulmeen waxa Ka mid ahaa.

  1. Xafiiska Midowga Yurub oo sidoo kale xidhiidhiye ka ah barnaamijka Horumarinta Waxbarashadda Adduunka ee loo yaqaano GPE
  2. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan taageeradda caalamiga ah ee loo soo gaabiyo USAID
  3. Baanka Adduunka (World Bank).
  4. Laanta dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta dibadda iyo barwaaqo sooranka ee magaceeda loo soo gaabiyo FCDO
  5. Safaaradda Denmarka oo waftigu kala hadlay taageerada DANIDA ee waxbarashadda Somaliland

Waftiga ayaa maalmaha soo socda ee todobaadkan sii wadan doona hawsha ay u joogaan dalka Kenya.

Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo ah hormoodka waxbarashada dalka ayaa ku hawlan sidii ay Somaliland u heli lahayd deeqo waxbarasho iyo in laga kaabo helista qorshayaasha iyo yoolka wasaarada waxbarashadu ay leedahay, waana ka keentay in waftiga wasaarada waxbarashadu u boqoolaan dalka Kiiniya.