U dhaq-dhaqaaqayaasha deegaanka Kenya oo dalbaday in wax laga qabto caagagga

0
113

Boqolaal ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa Sabtidii isugu soo baxay caasimadda Kenya ee Nairobi, iyaga oo dalbanaya in la xakameeyo wax soo saarka caagagga, ka hor kulanka looga xaajoonayo heshiiska caagagga caalamiga ah.

Wakiilo ka kala socda in ka badan 170 wadan ayaa ku kulmi doona Nairobi isniinta si ay uga wada xaajoodaan talaabooyinka la taaban karo ee lagu soo dari doono heshiiska caalamiga ah ee lagu joojinayo wasakheynta caagagga ah.

Socod-bixiyeyaashu waxay lulayeen boodhadh ay ku qoran yihiin “Dhibaatooyinka caagga ah, dhibaatooyinka cimilada” iyo in la dhameeyo sunta wasakhaynaysa hawada ee la sii daayo.”

Waxay ku dhawaaqayeen “Kuwa hawda wasakheeyaa ha bixiyaan qiimaha” iyaga oo si tartiib ah u daba socday koox faneed ka timid badhtamaha Nairobi una socday beerta nasashada ee galbeedka caasimadda.

Qarammada Midoobay ayaa sannadkii hore isku raacay in la dhammaystiro sannadka 2024-ka heshiis caalami ah oo Qaramada Midoobay ah si wax looga qabto aafada balaastikada ah ee laga helo meel walba laga bilaabo buuraha dushooda ilaa moolka badda iyo dhiigga dadka iyo caanaha naaska hooyada.

Gorgortanka ayaa laba jeer hoe loogu kulmay balse Nairobi waa fursadii ugu horeysay ee looga doodo heshiis qabyo ah oo la daabacay Sebtembar kaasoo qeexaya dariiqooyinka badan ee wax looga qabanayo dhibaatada balaastikada.

Kulanka Noofambar 13-19 waa kii saddexaad ee shanta kalfadhi ee hannaan degdeg ah oo la doonayo in lagu dhammeeyo wada xaajoodyada sanadka soo socda si heshiiska loo qaato badhtamaha 2025.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee Paris, ololeeyayaashu waxay ku eedeeyeen waddamo waaweyn oo baco soo saara inay si ula kac ah u istaageen ka dib markii laba maalmood laga waayay qodobbada habraaca.

Markan, kalfadhiyadu waa la kordhiyey laba maalmood, laakiin weli waxaa jira walaac laga qabo in heshiis daciif ah uu soo baxo haddii wakhtiga doodda faahfaahsan la liqo oo wareegyada loo gudbo.

Wax soo saarka caagagga caalamiga ah ayaa in ka badan labanlaabmay tan iyo bilowgii qarniga si uu u gaadho 460 milyan oo tan, waxaana uu saddex jibaarmi karaa 2060 haddii aan waxba la qaban. Kaliya sagaal boqolkiiba ayaa hadda dib loo warshadeeyay.

Microplastics ayaa laga helay meel kasta laga soo bilaabo buuraha ilaa godadka ugu hooseeya ee badda, iyo sidoo kale dhammaan jidhka bini’aadamka.

Saamaynta balaastikada ee caafimaadka bini’aadamka ayaan weli si liidata loo fahmin laakiin waxaa jira walaac isa soo taraya oo ay qabaan saynisyahanada.

Caagu wuxuu sidoo kale gacan ka geysataa kulaylka caalamiga ah, iyada oo lagu xisaabtamayo 3.4% qiiqa adduunka ee 2019, sida uu qabo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta.