Diyaarad Milateri oo Maraykanku leeyahay ayaa ku burburtay Tababarka badda Mediterranean-ka

0
95

Taliska Maraykanka ee Yurub (EUCOM) ayaa Sabtidii sheegay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ay burburtay ka dib markii ay dhibaato ka soo gaadhay tababar ay ku qaadanayeen bariga Mediterranean-ka.

Ma cadda nooca diyaaradda iyo halka ay ka soo duushay, balse Maraykanka ayaa goobtaas geeyey koox duuliyeyaal ah, taas oo qayb ka ah dadaallada looga hortagayo in dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uu u wareego colaad gobolka ah.

“Maqribnimadii 10-kii November, diyaarad militari oo Maraykan ah oo howl-gallo tababar ka waday bariga Mediterranean-ka ayaa la kulantay dhibaato weyn, waanay dhacday,” ayuu EUCOM ku yidhi hadal uu soo saaray oo aan lagu sheegin xogta ku saabsan halka ay ku danbeyn doonto shaqaalaha markabka.

“Waxaan si dhab ah u dhihi karnaa in hawsha diyaaradu ay si toos ah ula xidhiidhay tababarka, mana jiraan calaamado muujinaya dhaq-dhaqaaq colaadeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka, isaga oo intaas ku daray,  in sababta dhacdada tababarka uu ku socdo baadhitaan.”

Washington waxay ku degdegtay taageerada militari ee Israel waxayna xoojisay ciidamadeeda gobolka – oo ay ku jiraan markabka USS Gerald R. Ford ee xambaara diyaaradaha iyo maraakiibta kale ee dagaalka – ka dib markii kooxda Xamaas ay weerar xudduudda ah ka fulisay Gaza 7-dii Oktoobar oo saraakiisha Israel ay sheegeen in lagu dilay. ilaa 1,200 oo qof.

Milatariga Israel ayaa kaga jawaabay weerar cir, dhul iyo badda ah oo ay ku qaadeen Gaza taasi oo wasaarada caafimaadka ee dhulkaasi ay sheegtay in ay ku dhinteen in ka badan 11,000 oo qof.

Bayaanka waxa kale oo lagu yidhi “Iyada oo la xushmaynayo eheladii dadka ay saamaysay dhacdadani, hadda ma jiro xog ku saabsan shakhsiyaadka iyo khasaaraha dib ayaa laga soo sheegi doonaa”.