Hargeysa( Dawan):-Gudida Hoodaale ee dalka Ingiriisak ayaa Ciidanka qaranka Somaliland soo gaadhsiiyay kaalmo kala duwan.
Kaalmada ayaa waxa gudida Hoodaale kala wareegay Madaxa Hoggaanka Madaafiicda Ciidanka qaranka Sarreeye guuto Yuusuf Aadan Nuur Yuusuf Marduuf iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada qaranka.
Madaxa Hoggaanka Madaafiicda Ciidanka Qaranka Sarreeye guuto Yuusuf Aadan Nuur Yuusuf Marduuf oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa uga mahadnaqay Ururka Gudida Hoodaale ee dalka Ingiriiska ee deeadan soo gaadhsiiyay Ciidamada qaranka.
Sidoo kale Guddoomiyaha gudida Hoodaale Jiif caaqil Maxamed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in deeqdan Soolarka iyo Dirayska ay
Ciidamada qaranka ay ugu deeqeen gudida Hoodaale ee dalka Ingiriiska,madaamada Ciidamada qaranka yihiin lafbartii dalka.