Gudida Hoodaale ee dalka Ingiriiska oo Kaalmo kala Duwan soo gaadhsiiyay Ciidanka qaranka.

0
107

Hargeysa( Dawan):-Gudida Hoodaale ee dalka Ingiriisak ayaa  Ciidanka qaranka Somaliland  soo gaadhsiiyay kaalmo kala duwan.

Kaalmada  ayaa waxa gudida Hoodaale kala wareegay Madaxa Hoggaanka  Madaafiicda Ciidanka qaranka Sarreeye guuto Yuusuf Aadan Nuur Yuusuf Marduuf iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada qaranka.

Madaxa Hoggaanka Madaafiicda Ciidanka Qaranka Sarreeye guuto Yuusuf Aadan Nuur Yuusuf Marduuf oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa uga mahadnaqay Ururka Gudida Hoodaale ee dalka Ingiriiska ee  deeadan  soo gaadhsiiyay Ciidamada qaranka.

Sidoo kale  Guddoomiyaha gudida Hoodaale Jiif caaqil  Maxamed  Yuusuf ayaa waxa  uu sheegay in deeqdan Soolarka  iyo Dirayska ay
Ciidamada qaranka ay  ugu deeqeen gudida Hoodaale ee  dalka Ingiriiska,madaamada Ciidamada qaranka yihiin lafbartii dalka.