Maxkamadda gobolka Hawd oo xukunno ku ridday eedaysaneyaal dhawaan lagu qabtay Khamri iyo Baco

0
100

Baligubadle(Dawan):-Maxkamada gobolka Hawd ayaa xukuno kala duwan ku ridday laba eedaysane iyo gaadhi ay wateen oo dhawaan Ciidanka Booliska gobolka Hawd  ay ku soo qabteen Maandooriyaha Khamriga iyo baco qaab kootarabaan ah loo soo galinayay dalka.

Maxkamada gobolka Hawd ayaa labadaasi eedaysane ku kala xukuntay lix sano iyo sadex bilood oo xadhig ah halka ay mid ka kalena ku xukuntay lix sano iyo lix bilood oo xadhig ah iyo shan milyan oo ganaax lacageed ah, halka gaadhiga ay wateen ee ay ku fuliyeen kiiskanina lagu xukumay boqolkiiba labaantan.

Maxkamada gobolka Hawd ayaa goob fagaare ah ku gubtay Khamrigaasi iyo bacahaasi kootarabaanka ahaa, fagaarahaasi waxa goob joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xeer Illaaliyaha gobolka Hawd Maxamed Xuseen Axmed Caydiid iyo taliyaha qaybta gobolka Hawd Cabdilaahi Xasan Muxumed iyo maamulaha Kastamka Baligubadle.

Xeer Illaaliyaha gobolka Hawd ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamada gobolka Hawd ku riday eedaysanayaasha lagu qabtay Mandooriyaha ay ka soo gudbinayeen gobolka Hawd waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

 

‘’waxaa la hor keenay fadhigii sadexaad eedaysanayaasha kala ah Aadan Diiriye Mire ina Aamina Cilmi Cabdilaahi 32 jir ah iyo Maxamed Cabdi Daahir ina Maryama Abokor Axmed 28 jir ah kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay wateen Khamri iyo baco qodobada lagu soo eedeeyayna ay yihiin qodobka sadexaad firqadiisa 1-aad iyo qodobka afraad firqadiisa 1-aad, 3-aad, 4-aad iyo aayada Qur’aanka ah ee suurada Maa’ida ee ka hadlaysa Khamriga sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay qodobka 505 oo mamnuucaya bacaha sidoo kale Maxkamada waxaa la hor keenay sideed nin oo markhaati ah oo ku cadaynaya in ay Khamrigaasi iyo bacahaasi wateen, sidoo kale waxa ay eedaysanayaashani Maxkamada horteeda ka qirteen inay iyagu waten Khamrigan iyo bacahan.

Sidaasi darted Maxkamadu waxay ku xukuntay Aadan Diiriye Mire ina Aamina Cabdi Cabdilaahi 32 ah lix sano iyo sadex bilood oo xadhiga ah.

Maxamed Cabdi Daahir ina Aamina Abokor Axmed oo 28 jir ah waxay ku xukuntay lix sano iyo lix bilood iyo shan milyan oo ganaax lacageed ah haddii uu bixin waayo waxa loogu badelayaa xadhig.

Sidoo kale bacahaa 23-ka katoon ah waxay Maxkamadu xukuntay in la gubo, sidoo kale waxa ay Maxkamadu xukuntay Khamriga in la jajabiyo oo la gubo, sidoo kale gaadhiga D-3722 waxay ku xukuntay boqolkiiba labaatan’’.