Shiinaha oo wajahaya dhibaato bulsho oo dhinaca dhalmada iyo guurka ah

0
101

Zhang Nanfeng wuxuu u shaqeeyaa shirkad Japan ah oo ku taal Beijing. Waxay guursadeen 12 sano, iyada iyo ninkeeda ma rabaan carruur.

“Marka ay kuwa kale ka hadlaan khilaafyada ka dhasha korinta carruurta iyo dhibaatada ay keento umeerinta carruurta shaqada guriga, waxaan dareemayaa nasiib badan oo ah inaanan caruur lahayn,” Zhang, 44, ayaa u sheegay VOA Mandarin.

Lamaanahan ayaa diiradda saaraya sidii ay lacag u heli lahaayeen oo ay ugu raaxaysan lahaayeen. Waxay qorsheynayaan inay booqdaan Japan mar dhow. “Aniga iyo ninkeyga aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka tagi karno wakhti kasta anaga oo aan walwal badan qabin,” ayay tidhi. “Waan ku raaxaysanay xoriyadan!”

Hab-nololeedka Zhang waxay aad uga duwan tahay waxa uu hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping uu niyadda ku hayo iyo sida haweenka waddanku ay u waajahayaan cawaaqib dhaqaale iyo heerka dhalmada haweenka Shiinuhu aad hoos ugu dhacday.

Marka loo eego tira koobyada guddiga caafimaadka qaranka Shiinaha, Shiinuhu wuxuu lahaa 9.56 milyan oo dhalasho nool ah sanadkii 2022, 10% ayaa hoos uga dhacday sanadkii ka horeeyey ee 2021 10.62 milyan, taas oo dhigaysa rikoodh hoose oo keenay hoos u dhacii ugu xumaa ee Shiinaha ee dhinaca kobaca dadweynaha muddo 61 sano.

Sannadkii 2022, qiyaastii 6.8 milyan oo lammaane ayaa isu diiwaangeliyay guurka, kala badh tirada 2013 iyo heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta rasmiga ah 1986.

Hogaamiyaha Shiinaha isaga oo ka hadlayay shirweynaha 13-aad ee Qaranka Haweenka Shiinaha 30-kii Oktoobar, Xi wuxuu sheegay in Shiinaha ay tahay inay si firfircoon u kobciyaan dhaqan cusub oo guurka iyo dhalmada ah. Dadka Shiinaha ayaa hadda u badan dad da’a weyn waana arrinta werwerka leh.

Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la xoojiyo aragtida dhalinyarada ee guurka, dhalmada iyo qoyska, sidoo kale kor u qaadida hagaajinta iyo hirgelinta siyaasadaha taageera dhalmada iyo horumarinta tayada dadka; arrimahaas oo si firfircoon uga jawaabaya gabowga dadweynaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.