Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la xidhiidha Ammaanka Dalka la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada

0
118

Hargeysa-(Dawa):- Kulan lagaga hadlayey Amniga guud ee dalka oo uu shirgudoomiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Heer Wasiir ee Hanaanka Xog-wadaaga Dawladda (Government Information Desk Committee) iyo Taliyayaasha Ciidamadda JSL.

War saxaafadeed u uku saxeexnaa Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Mr Cabdillaahi Axmed Caarshe ayaa lagu sheegay in mudadii shirku socday lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ay maleegayaan kooxaha ka soo horjeeda qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, shirka waxa lagaga wada-hadlay sida ugu haboon ee loo adkayn lahaa wadashaqaynta  hay’addaha dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaaliland ugu midoobi lahaayeen adkaynta nabadda.