Madaxweynaha Somaliland oo xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo isku-bedel ku sameeyey qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada

0
218

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magacaabay wasiiro cusub, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyey xubno kale.

Wareegto shalay ka soo baxday xarunta Madaxtooyadda oo Madaxweynahu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku  sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha

  1. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;

Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

  1. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;

Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

  1. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

Dhinaca kale Wareegatada Madaxweynaha ayaa xubnahii isku bedelka lagu sameeyey iyo kuwa cusub ee la magacaabay kala yihiin;

  1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
  2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
  3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.
  5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
  7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
  9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.
  10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
  11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha