- Ha murugoon, murugadu waxa ay sababtaa in uu jidhkaagu diciifo.
- Hana noqon mid wakhti kasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya.
- Isku day inaad u ixtiraamto dadka kale sidaad u jeceshahay in laguu ixtiraamo.
- Dadku waxay kugu jeclaanayaan, deeqsinimo badan, wanaag aad u samayso.
- Jaarkaagu wuxuu kugu jeclaanayaa , waji furfurnaan , dhaqan wanaagsan.
- Allaha wuxu jecel yahay kan ugu cabsida badan
- U fur qalbigaaga wax kasta oo wanaagsan.
- Ka xidh indhahaaga wax kasta oo xumaan ah, waad liibaaniye