Somaliland oo lagu Casuumay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada ee COP28

0
255

Dubai (Dawan): Shir weynaha caalamiga ah ee isbedelka cimiladda adduunka ee COP28 ayaa sanadkan lagu casuumay in ay ka qayb gasho Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada ee 2023-ka ama shirka dhinacyada UNFCCC, oo loo yaqaano COP28, ayaa noqon doona shirkii 28aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka cimiladda.

Kaasoo la filayo inuu 28-ka bishan November ee aan ku jirno ka furmo dalka Isku Tagga Immaaraadka Carabta, iyadoo ay shirkaasi ka soo qayb gelayaan in ka badan 70,000 oo ergooyin ah.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka mid ah wadamadda shirkaas lagu soo casuumay in ay ka qayb galaan, weliba waxaa laga siiyay weftiga Somaliland in ay hadal ka jeediyeen shirkaasi.

Sidaasina waxaa shaacisay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay xidhitaanka shirka saddex bilood laha ah ee Daneeyayaasha Arrimaha deegaanka oo Hargaysa lagu qabtay.

Wasiir Shukri Baandare, oo arrinta shirka COP28 ka hadlaysay na waxay tidhi “Waad og tihiin, oo waatan shirka Cop28 la tegaayo. Caalamka oo dhan ayaa laga imanayaa, Soomaaliya waa laga tegayaa. 70, 000 oo qof ayaa isku diiwaan geliyay in ay shirkaa ka qayb galeyaan.

Somaliland-na sanadkan casuumadda way ku jirtaa, oo shirka COP28 way ka qayb gelaysaa. Taasina waa guul in aynu ku jirno wadamadda ka qayb gelaya. Weli ba waxaan ku leenahay Pannel aad u fiican doodiisa”.

Dhinaca kale shirka isbedelka cimiladda ee COP28 UAE, ayaa loo arkoo inuu noqon doono wakhti muhiim ah, iyadoo na  adduunku ay qiimayn doonaan horumarka ay ka samaysay heshiiskii Paris.

Suuqa ugu horreeya ee Global Stocktake (GST), wuxuu bixin doonaa qiimayn dhamaystiran oo horumarka ah tan iyo markii la qaatay heshiiskii Paris.

Tani waxay gacan ka geysan doontaa in la iswaafajiyo dedaallada ku aaddan wax-qabadka cimilada, oo ay ku jiraan tallaabooyinka loo baahan yahay in la dejiyo si loo xakameeyo dal-daloolada socda.

Madaxtooyada Imaaraadka Carabta ee COP28, ayaa ka shaqayn doonta sidii loo hubin lahaa in dunidu waxay kaga jawaabtaa GST qorshe hawleed cad.