Dulmiga Iyo Denbiyada Halista Ah!

0
224

Saxaabiga Jaabir Binu C/laahi (Rc) wuxu yidhi   Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi : “ Ka baqa xaqdarada (Dulmiga) maalinta Qiyaame xaqdaradu waxay noqon doonta Mugdiyo (Gudcuro) badan, kana ilaasha naftiina Bakhaylnimada, maxaa yeelay iyada ayaa halaagtay kuwii idiinka horeeyay oo ku keliftay inay dhiigooda qubaan wixii xaaraan ka ahaana xalaashadaan”  (Muslim).

 

Xadiisku wuxu inoo cadaynayaa in aynu iska ilaalino xaqdarada iyo dulmiga aan ku samaynayno muslimiinta kale taasi oo qofka Qiyaamaha ku noqonaysa mugdi, iyo weliba bakhaylnimada ay weheliso aduunyo jacaylku isagoo qofku keligii danaysanaya oo aan muslimiinta kale danahooda eegayn.