Khurafaadki Kaneecada Lagu Aaminay!

0
218

Bulshada Hindada cascas ee ku nool America ayaa aaminsan in magacyada caruurtooda ay u bixiyaan uu noqdo  shayga ugu horeeya ee ay indhaha ku  dhuftaan marka ay ka soo baxaan qolka Ilmaha yari ku dhashay.

Sidaa darteed tani waa tan sababtay in hogaamiyayashooda qaarkood loogu yeedho magacyo yaab leh oo qaarkood laga khajilo in lagu dhawaaqo, laakiin iyaga caado iyo dhaqan u ah.

Waxaana magacyadaasi ka mid ah “Hogaamiyaha qabiilka in lagu magacaabo “Dibiga fadhiya”taasi oo tilmaamaysa inu aabahii arkay Dibi fadhiya markii uu ka soo baxay qolkii uu ku dhashay.

Dhinaca kalena Ka hor int aan la ogaan waxa sababa faafidda  xanuunka duumada waxa la aaminsanaa inay xanuunkaasi keento hawo xumaatay  ( Rotten air) sidaa awgeed aya loogu bixiyay magaca  Malaria oo ah weedho luqadda Talayinga ka soo jeeda oo macnahoodu yahay Mal Aria ( Hawo qudhuntay) waxayna ka kooban tahay laba kelmodood, Waxaana jirtay in marar badan qofka Dabaysha Xumi ku dhacaday loo arki jiray qof belaayo ku dhacday oo dadku aanay u dhowaan jirin.